Guddiga doorashooyinka FEIT oo maanta dooranaya Guddoon cusub, & loolanka socda

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa maanta dooranaya Guddoon cusub, kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday Guddoomiyihii Guddigaas Maxamed Xasan Cirro.

Olale xooggan oo loogu jiro hanashada hoggaanka Guddiga FEIT, ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaana dadaal ku bixinaya inay kursigan kusoo baxaan dadka kala wata.

Doorashada Guddoonka Guddiga FEIT ayaa albaabada u furi doonta dardargelinta doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS, taas oo uu hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeysay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhowaan heshiis ku gaaray in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo 15, Janaayo (sabtida maanta ah), illaa 25 bisha Febaraayo.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*