Isbedel lagu sameeyay qaar kamid ah Taliyayaasha Amniga gobalka Bari, & howlgalada socda

Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah Taliyayaasha saldhigyada Boosaaso, Ufeyn iyo Ceel-daahir.

Saldhigyada Taliyayaashooda isbedelka lagu sameeyay ayaa waxaa kamid ah saldhiga Salaad Nuur – Boosaaso, saldhiga Baaladde – Boosaaso, saldhiga degmada Ufeyn iyo saldhiga deegaanka Ceeldaahir ee gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa kula dardaarmay Taliyayaasha saldhigyada la isku bedelay, inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday, ugana adeegaan bulshada deegaanka iyo guud ahaan Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa wada dadaalo lagu xasilinayo Amniga iyo siyaasadda gobalka Bari, oo todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka jireen xiisado kacsan, kaddib khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Ciidanka PSF Puntland, kaas oo sababay dagaal saddex maalin oo xariir ah ka dhacay magaalada Boosaaso.

Taliska Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa dhowaan shaaciyay howlgallo ka socda magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada iyo guud ahaan gobalka Bari. howlgaladan ayaa intii ay socdeen lagu qabtay hub fara-badan oo lagu soo qariyay gaari ‘ISKU-ROGO’, taas oo siday ciid, balse ay ciidanka oo hayay xogteeda qabteen.

PUNTLAND TIMES

5 Comments

  1. Xalku waxa uu ku jiraa in Punlayn ay dhexdeeda ka noqoto “federaal”! Sidaa si le’eg, dhammaan maamul xaafadeedyada jamhuuriyaddu (min Lawyacaddo illaa Liboye-Somalia) waa inay dhexdooda ka noqdaan “federaal”. Yaa xal kale haya?

    Hargaysa waa idinka arkaya xaalkeeda; yaa reer hebel ah bay maraysaa. Boosaaso ma oggola in Garoowe looga taliyo. Baraxley ma oggola in looga taliyo Dhuusamareeb. Beledweyne ma oggola in Jawhar looga taliyo. Garbahaaray ma oggola in Kismaanyo looga taliyo. Baydhabana warkeeda daa. Haddana intuba ma rabaan in Xamar looga taliyo!!! Saw xalku markas ma aha in la sii kala federaaloobo.

    • Hillary adeer somalidu waxay dhahdaa xog moogaa xaajo bi iya markaad leedahay Gobol ka bari sow ma ogid Dani inuu gobolka Bari kasoo jeedo! Sow ma ogid masuuliyiinta Puntland intooda badni inay gobolka Bari kasoo jeedaan, Waxaan kuu sheegayaa adeer Puntland kama jiro wiil agaasime ah iyo ciidan uu wato ayaa diiday inay u hogaan samaan xilka qaadistii Madaxwaynaha halkaas oo ay shaqaaqo yari ka dhalatay Puntland amnigeeda waxaa si buuxda gacanta ugu haysa dowlada Puntland arintan yar na way iska dhamaan wax wayna maba ahan runtii waayo ciidanka PSF hada fund kama helo America iyo Africom sidaa daraadeed wuxuu ka mid noqday ciidamada Puntland ee caadiga ah waxaana ku orankaraa 85 boqolkiiba ciidanka PSF waxay ku jiraan shaqadoodii ciidan waxayna difaac uga jiraan buuraha cal madow iyo cal miskaad waxaana hogaamiya admiral Gen Aamiin Abdullahi Haaji khayr. Bosaso anigaa jooga xaadirna ku ah waxa shuranshuurka ini Farmaajo iyo CBB da aad member ka ka tahay ay jecel yihiin ama jeclaan lahaayeen inay dhacdo marna haku riyoonina midna ogaada Puntland waa hal dad oo wada ehel ah isku qoys ah dhaqana uma leh waxa ay ku hadaaqaan kuwa fashilmay ee naflacaariga ah ee godoonka ku jira, Qardho iyo Bosaso waa qol iyo fadhi mana kala qaybin kadhid mudug iyo Nugaal na waa sool, Nugaal iyo Buuhoodle na waa qololkii kale Mudugna waa dayrkii ku wareegsanaa markaa waa hal guri oo aan kala qaybsami karin Puntland. Dabcan madaxda maanta Puntland hogaamisa waa la dhaliili karaa laakiin jiritaanka iyo midnimada Puntland waa muqadas. Waxaan kaloo rabaa inaad xasuusnaato marwalba ini diyaano iyo Madaxwayne Dani waa wiil iyo adeerkiis 5 oday ayay kala tirsadaan marka caadi iska dhig saaxiib waxa jiraa waa family issue u baahan in hoos loo dhaqo. Waxaan oranlahaa inta samaha jecel Somaliya iyo Puntland u rajeeya guul iyo horumar wanaagsan ogoobay xiqdiga iyo xisdigu dadka waa duleeyaa.

  2. Ha ka reebin Hillaacow Buuhoodle ma rabto inay Laascaano ka amar qaadato,Taleexna Buuhoodle,tuulona tuulo kama haybaysanayso mid aan wax oolinna kaba sii dhib badan.
    Qurac tuuladeenaba waa Ku yaallaa ee maxaan isku biidhin kadhnaa?
    Cadaalada ha ka tegin.

  3. Mar haddaad igu tiraahdeen “caddaaladda” haka tegin, duuduub baan u qaatay inkasta oo aysan ku talagal iga ahayn; waa khalad dhacay, raalligelin buuxda baanan ka bixiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*