Madaxweyne Deni oo maanta kusoo laabanaya Garoowe, kaddib go’aankii Isimmada Bari

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu laabto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kaddib 12 maalmood uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, kagana qeybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Muqdisho kulamo kula qaatay qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaalada dalka, gaar ahaan dardargelinta doorashooyinka.

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Deni ee Garoowe, ayaa imaanaysa xilli Isimmo 5 ah oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ay soo saareen go’aano kale oo la xariira khilaafka PSF, sheegeena in Maxamuud Cismaan Diyaano uu sii hoggaamiyo Hay’adda Ciidanka PSF.

PUNTLAND TIMES

12 Comments

  1. Warar baa sheegahaya in Deni istiqaaladiisa diyaarin rabo.
    Deni waa gaban isimo inqilaabeen,wax hogaamin ah,xushmo madaxweyne ahna ma u harin inu is casilo oo isimada Ku wareejo talada Pudland uun baa laga sugahayaa.
    -Kolba asagu waa musharax madaxweyne Somaliya,waana isaga dhex bixin qaska hareeyay Pudland,ee talow KARAASH MA LA IMAAN DOONAA SIYAASO U KU WAJAHO BOSASO??
    Deni oo reer Bari ah xalka uu ka keeni waayay ma fududa in shaqsi kale u fududaato.
    Deni caro waa jiq,mana la hadlaayo saxaafadda kolytoba.
    Dekeddii ayana waa xirantahay,oo PSF ayaa xiray,wax daqli ah kama imaan maadaama aanay imaan shaxiimado badeeco siddaa.
    INU U HOGAANSAMO IYO INU IS CASILO BAA U FURAN.

  2. SALAAMU CLAEEKUM

    President DENNI has no option but to take a bold and crucial decision to destroy the junta of BOSASO. Otherwise, his credibility will fail automatically. There is no favor but the interest of PUNTLAND STATE is unnegotiable and untouchable to anyone whatever he is. It is a red line that no one can cross.

    الرئيس دني ليس لديه خيار سوى اتخاذ قرار جريء وحاسم لتدمير المجلس العسكري لبوساسو. وإلا ستفشل مصداقيته تلقائيًا. لا يوجد معروف ولكن مصلحة ولاية بونتلاند لا يمكن التفاوض بشأنها ولا يمكن المساس بها لأي شخص مهما كان. إنه خط أحمر لا يمكن لأحد تجاوزه.

    اللهم إني أستودعتك وطني وأهلها، أمنها وأمانها، ليلها ونهارها، أرضها وسماءها. فاحفظها ربي من الطغاة وكل من يريد بها سوء. ومن تعدا عليك وعلى رسولك . . . وأرنا فيهم عجائب قدرتك. اللهم إنا نستودعك رجال وطني ونساءها وشبابها وأطفالها و أموالها، يا من لا تضيع عنده الودائع. يا ودود يا ودود يا ذي العرش المجيد يا رب. اللهم آمنا في أوطاننا وأصلح أئمتنا، وولاة أمورنا وأيد بالحق إمامنا وولي أمرنا. وهيء له البطانة الصالحة التي تعينه على الخير. اللهم وفقه وإخوانه وأعوانه لما فيه خير البلاد والعباد يا ذا الجلال والإكرام. اللهم من أراد بلادنا وبلاد المسلمين بسوء، فأشغله بنفسه ورد كيده في نحره وأجعل تدبيره تدميراً يا سميع الدعاء. اللهم احفظ بلادنا وبلاد المسلمين من شر الأشرار، وكيد الفجار وشر طوارق الليل والنهار. اللهم احفظ بلادنا من عبث العابثين وكيد الكائدين وعدوان المعتدين

    أمين يا رب

    ILAAAHOOW PUNTLAND BADBAADI, OO KA ILAALO BELADA IYO CADOWGIISA

    W BILAAHI TAWFIIQ

  3. Go’aamada isimada sidooda haloo fuliyo.
    Kadib doorashada ha la aado.
    Isimadu awoodooda ayay sii tijaabsheen si aan Deni doorkooda xulista uga xoogin.

  4. SALAAMU CALEEKUM

    Kuwaase ma aha ISIMO. Wa cadowga PUNTLAND. BOQOR BURHAAN, waa in la casila, oo boqornimda lagu celiyaa dadkii ehelka u lahaa oo laga soo xoogay..

    BOQOR BURHAAN waa boqor bililiqo. dadkii lahaa waa in lagu celiyaa boqornimada.

    BOQOR BUURHAAN waa sharwade, waa diridiraale, waa qaswade, nabada PUNTLAND baa dhibaysa.

    BOQORKAAS, waa in la iska qabta.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  5. Sii hulaabane soo hulaabane harga maran side habaarna u dheer. Wax sharaf ah oo umada reer puntland ku leeyahay ma jirto. Waxan qabaa in isimada ay isaga u raadiyeen wado uu uga baxo dhibkan. Sidaa darteed waa ku khasban yahay in uu raaco taladooda. Waa la wada ogaa in aaranshaydaan ay jar ka tuurayso. Waase ilaah mahadii in maanta aaranshaydaan lala xisaabtamay. Aaranshaydaan waxa ku dhacay wax badso wax beel ayey leedahay waayo Garowe ayaa loo soo dhigtay won lala xisaabtamo caasimadnimadeeda.

  6. SCWW. Dani iyo aaranjaan waa uga dhamaatay Puntland. Waa in laga fiirsadaa wixii badali lahaa. Kuwa xilka Puntland isku haystaa waa dameer iyo labadiisa dhegood. Waa al-itaxaadkii oo shaarar kala duwan hadba inoo soo gashanaya. Dalkaan uma baahna tuugo isu badasha ama kuwa aan dawladnimo iyo horumar aan waxba ka ogayn in laga aringasho. Waxaa xalku uu yahay sii wadida nidaamkii axsaabta oo dadka baahidooda iyo rabitaankoodu noqotaa ahmiyadda kowaad. Dalkaan waa inuu yeeshaa system dhamaystiran oo dhidibo adag leh, kaasoo ka madaxbanaan danaysi shaqsiyadeed ama guruubaysi, islamarkaana una adeega bulshada.
    Runtii meel aan wanaagsanayn bay wax usocdaan. Waxaan Rabbi ka baryeenaa sidii roon oo danta umadda iyo dalka ku jidho.

  7. Raggii cuslaa ee xaajada galay xagee ku dambeeyeen isimadaan awalba wax khayr leh kamaan sugeyne.
    Go’aamadoda ayay bulshadu sugaysaa iyo inay Ku waafaqaan isimadan waxakan iyo in kale.
    Maanta ayaa warkooda la sugayaa.
    Maa laga degdeegay,ma Ku waafaqsanyihiin?
    Ma ka quusteen xal ka keenista arinta?
    Ha hadlaan.
    QODOBADAN WAX AAN AHAYN DENI MAAHA INUU AQBALO
    1-In uu agaasimihii hore wareejiyo xilka,lana siiyo waxii uu xaq u yeesho.
    2-In ciidanka,hubka,xarumaha PSF yihiin hanti dawladeed,lana siin Karin cid gaar ah.
    3-In laga xoojiyo nabadda,xasiloonida Bosaso,lana soo afjaro xiisadda.
    4-In wax kasta iyo heshiis kasta ay sal u tahay ilaalinta iyo jiritaanka Puntland,maslaxadda caamka ah ee bulshada,dhawridda sharciga,ilaalinta dawladnimada,kala dambeynta,lana aqbali Karin wax kasta oo dhaawacaya arimahaas,una ekeysiinaya Puntland meel fawdo ah.
    5-Puntland waxay leedahay xukuumad iyo hay’ado dawladeed oo u idman hogaaminta,loona doortay,waana in lagu ixtiraamaa shaqadoda.
    6-Tekedda Bosaso waa isha daqli ee Puntland,waana deked qaran,mana jirto cid gaar u sheegan Marta,kana xigsan karta reer Puntland.
    7-Shacabka Puntland ha ilaashadaan nabadooda,dawladnimadooda,hana garab galaan nidaamka dawliga ah.
    8-Isimmadu ha gartaan dawrkooda dhaqan,hana ka fogaadaan sii fogeynta xiisadda,hana dhawraan sharciga,maslaxada guud.

  8. Waxakan aad shubayso ma soconayso waana wax lagu qaraabto,waana Ku fahmaynaa dulinyahow xunka ahi.
    Masii jaqaysaan dhiigga shacabka oo aad Ku naaxdeen.
    Ama waa lawada dad qalatoobi ama waa la xisaabtamin.
    Dawlad,sharci,kala dambeen huuhaadaas dadka kuma khayaami doontaan mar dambe shacabkuna asagaa nabadiisa ilaashan,misana iska diidi dulmiga.
    Deni waa Ku qasbanyahay fulinta go’aamada isimada ama wuxu noqon qas wade waana laga qaban Puntland oo Garoowe ayuu Ku go’doomin.

  9. Ma madaxweyne Deni baa ninkani?!

    Aniga aragtidayda, oo aan marar badanna sheegay, asalka dhibaatadu ma aha Aaran-jaan ama Deni. Asalka jaha-wareerka iyo tiiha ina haystaa waa qaabka aynu isu maamulno ama xukunno. Nidaamka xumi hoggaamiyaha wanaagsan karkaarkuu waydaariyaa. Nidaamka wanaagsanina hoggaamiyaha xun majarahuu u qabtaa, oo tubta wanaagsan buu ku ridaa.

    Haddaba, waxan jamhuuriyadda (min Lawyacaddo illaa Liboye-Somaliya) isku dirayaa waa nidaam xumo & maamul xumo & hoggaamin xumo & shacab xumo. Tusaale, Trump waxa uu ahaa hoggaamiye xun laakiin waxa xakameeyey nidaam wanaagsan oo garsoor & baarlamaan leh.

    Tusaale kale, madaxweynihii mu’miniinta baa inta jidka qof shacab ahi ku qabsado odhanayey, “laba qayd baynu kugu ogayne, xaggee baad qayd ka labaad ee aad xidhantahay ka keentay!? Halkaa waxa aad ka fahmaysaa “isla xisaabtanka & xoriyadda hadalku halka ay islaamka ka taagnayd”.

    Dhinaceenana waa idinka arkay oo shacab baad sheegtaye xitaa kuwa ay baarlamaanka ku sheegaan baan hadli karin. Tusaale, kal hore markii Deni xubin katirsan baarlamaanku hal su’aal ah weydiiyeey, iska daa in uu u jawaaba e, fiilooyinkii & codbaahiyihii buu jiitay. Habeenkii danbana baarlamaankii usaga soo doortay buu miray oo dad ku laayey, waayo nidaam & shacab la xisaabtamaya ayaan jirin.

    Hargaysa waa idinka arkay. Qofkii is yidhaahda ra’yigaaga cabbir, waa dil & dacas & xadhig, waayo nidaam xakamaynaya oo la xisaabtami kara baan jirin. Inta kalana, oo ay villadu ugu tun weyn tahay, waa la mid. Waayo nidaam la xisaabtami & shacab la xisaabtami kara baan jirin. Asalka dhibaatadu, haddaba, waa halkaas sida aan u arko.

    Gunaanadkii, haddii Deni la beddelo ama uu tago, kan ku xigaa meeshii & meel kaxun uun buu ka sii miisayaa, waayo nidaamkii uun baa weli jira. Sidaa daraadeed, waa in la beddelaa nidaamka aynu isku xukunno. Waa in la helaa “garsoor & baarlamaan” madax bannaan oo taya leh oo xakamayn kara damaca hoggaamiyaha xun.

  10. Kuwa oranaya Boqor Burhan ha is casilo , Boqor Burhan waa Boqorkeenii inta uu nool yahayna isagaa Boqor inoo ah, dadkii boqortooyada lahaa ayaa doortay, oo si cadaalad ah buu ku yimid,ha ku daalinina arrintaas

  11. Kaas boqor maaha ee waa biiri qaate u kiraysan Farmaajo.
    Ilaah baa boqor ah.
    Maxaa isinimo lagu dhuuntay oo lagu sameeyay dhaqaale cadowga laga helay?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*