Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Libya oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.

Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan-qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dalkooda.

PUNTLAND TIMES

3 Comments

  1. Very good and two well done job today we have good
    Leader I like to see somalia
    Come back again good job
    President and congratulation
    Cepgoining god ll help you because you are so good
    The

  2. @@Mohamed Ali,

    I couldn’t decide whether to laugh or weep when I saw your comment above.

    If you truly believe that the failed leader of a failed state, by virtue of engaging in idle talk with another potentially failed leader of another failed state, makes him a good leader, then God have mercy on our folk!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*