Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid noqday Golaha Wasiirada dalka Tanzania

Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha, isagoo laga bedelay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo muwaadin Soomaali ah,wuxuu 26 Ogosto 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waana siyaasi iyo ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania,isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Waxaannu u direynaa hambalyo iyo bogaadin Soomaali kasta oo meel kasta wax ka noqda.

    Hongera, hongera; mheshimiwa waziri Hussein Mohamadi Baashe.

  2. Hambalyo hambalyo.

    Somalidu waxay fahmeen in ay muhiim tahay in laga mid noqdo oo wax lala qabsado umadaha ku nool wadamada ay u haajireen.

    Somalia haloo dhaafo inta wax magaratada ah ha isku xagxagtaane.

    Ilhan cumar waxay furtay wado wanaagsan.

    Waaridiintu ha ka waantoobaan jahwareerka ay ku hayaan ubad kooda oo marba wadan ugu dhaqan rogayaan.

    Waxay ubadkoodii ka dhigeen kuwa aan meelna ka tirsaneyn oo xaga iyo xaga kale midna haysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*