SAWIRRO: Daacish oo albaabada u laabtay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa maanta albaabada loo laabay, kaddib markii kooxda Daacish ay kordhisay canshuurta.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa ayaa sheegay inay kooxda Daacish, ay soo kordhisay canshuur cusub, taas oo culeys ku ah ganacsatada suuqa, ayna go’aansaday inay xiraan goobahooda.

DFS iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa weli ka hadlin xirnaanshaha suuqa bakaaraha ee Muqdisho.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Ma Daacish baa mise Al-Shabaab? Marka, Xamar waxaa ka jira 3 dowladood: tan federalka, Al-Shabaab, iyo Daacish. Saddexduba canshuur bay ka qaadaan. Allah! Xamar maxaa cuqubo haysata!

    Tan aan ilaa hadda la yaabbanahay waxaa weeye kuwa mukhaabaraadka lagu sheego ee NISA maxay u dabagaliwaayeen teleefoonnada ay argagixisadu dadka kasoo wacdo amase lacagta loogu xawilo? Mise waxay isticmaalaan telefoonno ah satellite phones oo ka baxsan shabakadda isgaarsiinta ee Somalia? Maxaa loo baariwaayey halka ay dhigtaan amase ku maalgaliyaan malaayiinta dollar ee ay baadda uga qaadaan dadka? Mise lacagta waxay ku kaydsadaan godad ku yaal Bu’aale iyo Jilib?

    NISA waxay ku filan tahay inay khaarijiso hablaha da’yarta ah; qof mucaarad ah oo ay airportka ka celiso, iyo in loo adeegsado cabburin iyo aasaasid nidaam keligitalismo. Maxaa laga buunbuuniyaa Gorgor, Danab, Gaashaan, Haramcad, iyo Duufaan haddii caasimaddii ay saddex dowladood ka taliyaan? Waa magacyo dusha harag shabeel ka xiran, hoostana bakayle ka ah. Alloow, adigaa u maqan Somalia.

    • Waxaa moodaa in ay daacish ka nasteen musaskii iyo boholihii iyo qararkii puntland ee ay hadba mid ku gaban jireen. Canshuur qaadis ayey hada usoo jeensteen. Waxaan ku qoslay erayga ah “khidmadii ayey kor u qaadeen”

  2. Bakaaraha OLOLIHII doorashadaa galay ee wax kale majiraan bay dadka qaar leeyihiin; waa mid ka mid ah “musasalladii” ayaamahanba na haystay!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*