SAWIRRO: Khilaafkii Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo la dhameeyay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa looga hadlayay khilaafka cusub ee dhowaanahan ka dhex aloosanaa Guddoomiye Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo la isku afgartay in la dhameeyo madmadowgii soo kala dhexgalay, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Xafiiska ayaa sheegay in labada masuul oo ugu sareeya siyaasiyiinta gobalada Waqooyi ee jooga Muqdisho, ay isla garteen in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Waji gabax
    Xishood la’aan
    Yax yax
    War dadku soo dhogor ma dhaqaaqdo?
    Yaq yaqsi
    Waxaan ku faraxsanahay in Soomaalida wax qorin ma kayd taarikh la’hayn.
    Hadii kale waxaan ogaan laheen in aan nahay dad waalan oo u baahan in la daaweeyo.
    I was shell shocked when I was hearing tha speach of the soo called Prof. Samatar.

  2. @John,

    It appears that you’ve posted your comment in the wrong place as this is a Somali website where no “Johns” or “Peters” are either known or welcome.

    Even as a student of the Somali language, you are still at a kindergarten level and far from being matured enough to post any comments here. No one can make head or tail of your gibberish mumbling above.

    And we don’t also take kindly to our professors being foulmouthed by foreigners. See you again after 10 years or so when you are qualified enough to post a comment in Somali.

    Bye.

  3. Waxaa yaab ah,in Cabdi xaashi iyo mahdi Guleed ( Khadar ) war walba uu heshiisiinaayo,Raiisal wasaaraha xil gaarsiinta,mudane Engeneer Maxamed Xussen Rooble.
    Waxa yaab ah in al cadaala oo noqday kaaliyaha Rooble oo meel walba u raaca iyo xildhibaan Mahad Salaad,shaki kuma jiro in waqti kooban idiin haray.
    Waxaa islii yaab ah,in Rooble oo sawirkii Madaxwaynaha oo meesha ka fojiyey ,iyadoo golaha wasiirada xafiiska dooda uu weli taalo,waa talo qaldan oo tusaysa Soomaalida,waxa uu yahay Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*