SAWIRRO: Maamulka Addis Ababa oo ugu deeqday DDS deeq gaaraysa 100 Milyan oo Bir

Maamulka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa ku wareejiyay Dowlad deegaanka Soomaalida, deeq lacageed oo gaaraysa 100 Milyan oo lacagta Itoobiya ah (Bir), taas oo loogu talagalay wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanka Soomaalida.

Lacagtan deeqda ah oo dollar ahaan gaaraysa illaa $2 Milyan, ayaa waxaa ku wareejiyay Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar), Maayarka caasimadda Addis Ababa Adanech Ababe, taas oo saaka soo gaartay magaalada Jigjiga.

Deeqdan ayaa loo bedelay noocyada kala-duwan ee raashinka sida, Bariis, Sonkor, Saliid, Bur, Caano iyo Timir, DDS ayaana la wareegtay 15 gaadhi oo hor-dhac u ah 35 nooca is-jiidka loo yaqaanooo sida deeqdan, waxaana  qaybta ay soo gaaraysa Jigjiga ilaa maanta.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar, ayaa maamulka Addisababa uga mahad-naqay deeqda wakhtigeedii ay soo gaadhsiiyeen shacabka Deegaanka ee abaaraysan, taasi oo ku tilmaamay dareen walaalnimo oo u baahan in lasii joogteeyo.

Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirta xaalad abaareed oo aad u daran, taas oo saameyn balaaran ku yeelatay qoysaska kunool miyiga, kuwaas oo ku waayay inta badan xoolahoodii. Xukuumadda Jigjiga ayaa sheegtay inay wado dadaalo loogu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen.

PUNTLAND TIMES

3 Comments

  1. Waa wararka sidan gurracan looweriyo waxa Soomaalida maanka kanasakhay, saxaafiyiinta Soomaaliyeedna waajib culus ayaa ka saaran in ay kafeejignaadaan oo saxaanna wararka iyo cinwaannadooda loo dhigo qaab been iyo borobagaan loo la dan leeyahay iyo dadkeenna caamada u badan lagu maanhabaabiyo – sida kan kore.

    Dawladda Itoobiya waxba kuma ay deeqin Saldanadda Harar, deeq ay beesha caalamku Itoobiya ku sadaqeysatay ayaa Saldanaddana qoondada ay kuleedahay laga guddoonsiiyay. 100 milyan oo Bir quudba ma aha e waa dhowr senti oo aan hawl-maalmeedka idaariga ah bishoo qur ah ka badnayn.

    Itoobiya haddii ay daacad iyo dhab ka tahay, maalgashiga waxsoosaareed ee xooggan ee ay degaannada Xabashida ka sameynayso hasoo gaarsiiso Saldanadda Hararna. Markaas ayaa la ogaanayaa in Federaalka Itoobiya loo simanyahay oo lagana simanyahay. Saxaafadda Soomaaliyeedna dadkeeda Soomaaliyeed ha ka gaashaanto borobagaanka qaawan ee lagu bahdilayo.

  2. Waar Mustafe Jeeg dhacay ayaa lasiiyay!kkk Sawirka sare (dusha midig) waxaa ku qoran in jeega 06-05-2014 la bixiyay.kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*