Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah safiirada dalalka caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa la kulmay safiirada dalalka Sweden Per Lindgärde, Qatar Hassan bin Hamza Hashem, iyo Turkiga Mehmet Yılmaz, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland iyo safiirada ayaa ka wada-hadlay taageerada dalalkoodu ay siiyaan DFS, si gaar ah Madaxweyne Deni iyo Safiirka Sweden ayaa isla soo qaaday taageerada dowladda Sweden ee Dilmuquraadiyadda Puntland iyo siddii loo sii xoojin lahaa.
Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, kaas oo ay ka wada-hadleen marxalada uu dalku marayo.




PUNTLAND TIMES
Deni waa qaraab tegay,wuxuna raadsan wadamo Ku taageero dhaqaale uu doorashada Somaliya uga qayb galo.
Boowe Bari laga raysay.
Deni waa rag ah, oo meel walba laami iyo buundo ka dhigay intuu xilka hayey. Nin raggi waa arkay wuxuu qabtay doqonise garan mayso.
Kkkkkkk
@@Yasin,
Guulwadeennimada indhaha iyo dhegaha la’ waxay ku xuntahay in xaqiiqadaha, runta, iyo xaqa la inkiro amase la dado.
Siciid Dani mashruucoo xataa oo kaabayaasha dhaqaale salka kuhaya Puntland kama hirgelinin.
Isaga iska daa e, xataa Cabdi Weli Gaas kuwa lagu nisbeeyo ayaa 90% waxay ahaayeen mashaariic ay sii bisleysay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole oo sii qorsheysnaa, uuse isagu lakowsaday.
Nin-jecleysiga xad-dhaafka ah kaxorooba oo runta iyo xaqana kaxiga.
Gaar ahaa safiirka Sweden ayuu xoojinta Democratic ka ka la hadlay!waa beer laxowsi.wuxuu maqlay in Gaalada cadaanka u dhego nugulyihiin erayga democratic. Awaay dhigii Boosaaso ku daadshay?