DAAWO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo uga digay Ciidanka DFS ku milanka siyaasadda

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Waxaan shaki ku jirin in Rooble qatar ku ah Dowladnimada Soomaaliya.
    Waana muuqataa waayo waa mar Dowladnimada Soomaaliya wuxuu ku yahay Cadow,
    Wuxuu Qatar ku yahay amniga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya Mogadishu.
    Ma nin wax ka garanaya Nadaamka Dowladnimada iyo sida ay u shaqeyso waxaana Tusaale kuugu filan>>> Nadaamka Dowladnimada Soomaaliya ay Dastuuriyan ku shaqeyso waxaa qasab ah in Ra’iisulwasaaraha uu ku shaqeeyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya, taas micnaheedu ma ahan in Ra’iisulwasaaraha wax kasta loo yeeriyo, laakiin waxaa jira isla shaqeyn Dastuuri ah waayo Ra’iisulwasaaraha kuma imaan Aqlibiyad xisaabtamo Siyaasadeed u tartamay Doorasho.
    Rooble wuxuu Xukuumadda Federalka Soomaaliya ku soo daray shaqsiyaad mucaarad ah,islamarkaana waa mid ka horimaaneysa Nadaamka Dowladnimada,waayo ma ahan in xisbi mucaarad ah oo heshiish la galay Dowladnimada talada waddanka haysa,taas baa muujineysa in Rooble waxba ks garaneyn Dowladnimada iyo sida ay u shaqeyso, wuxuuna qabaa feker ah anigaa taabsaday kaas oo ah dhaqan ku soo saa’idey Soomaaliya burburkii ka dib 1991, islamarkaana anigaa taabsaday waa adag tahay in lagu dabaqo Nadaamka Dowladnimada.
    Hadda waad u jeeddaan inuu faro ba’an uu Rooble ku hayo guddoyada Doorashada Heer Federal, weliba uu Rooble u dhacay guddiyada Doorashada Heer maamul goboleed.
    Rooble wuxuu qatar ku yahay inuu kala diro Ciidamada Difaaca Qaranka Soomaaliya waana muuqataa taas,wuxuuna Rooble fulinayaa Mashruuc loogu tagalay in Dowladda Soomaaliya lagu Burburiyo taasna waxaa u soo dhiibey Dowlado aan marnaba dooneyn iney Soomaaliya yeelato Dowladnimo Micna leh. Fekerka Rooble iyo Dowladaha Kenya, Emirates, Jebouti iyo kuwo kaleba waxba kuma kala Duwana waayo waxaay ka Siman yihiin in aan Soomaaliya yeelan Ciidamada hanta Difaaca Qaranka Soomaaliyeed,dadka iyo Dalka Soomaaliya Gudaha iyo Dibeddaba. Waana muuqataa wax qarsoon ma ahan.

  2. Ciidamo dhulkoodii uu boobay ayuu leeyahay siyaasada haku milmina.
    Warxaan.Somaliya haday dagaal sookeye gasho waxaa masuulka ah Hawiye,20 ilma adeer ah iyo oday dhaqanmeedyo markasta dagaal hada iclaaminaayo soo fowdo mahan?
    Qabaailada kale oo dagaal sheegayo bal arag.

  3. Ra’iisal wasaarihii “shaqada laga joojiyey” ciidanka uu ka hadlayo ma AMISOM baa?

    Mr. Rooble, saw tii kulankii aad dhex fadhidey aadku go’aamisay in AMISOM ammaankiinna si buuxda ula wareegto, adiga oo meesha ka saaray ku kalsoonaanshaha guutada 27aad ee villada; haddaba, waa maxay ciidanka siyaasadda Ku milmaya ee aad ka had laysid?! Sidaa daraadeed, adiga ciidan AMISOM baad u taqaannaa ee iyaga ku ekoow.

    Midda kale, idaacaddii & muuq-baahiyihii qaranku weli ma idiin afduuban yahay? Kiiskii xatooyo xoolo dadweyne ee lagugu eedeeyey xaggee marayaa?

    Waxa kale oo cabashadeedu na soo gaadhay “Khadiija Diiriye”, taas oo ka cabanaysay in aad xoogaageedii gargaarka aad isbaaro uga dhigatay! Waxa kale oo nagu maqaalo ah in aad Deni is aragteen. Maxaa idin dhex maray?

    Gunaanadkii, ciidanka ammaanka qaranka waxa aad u cumaamadday AMISOM ee uyaka ku ekoow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*