SAWIRRO: Siciid Deni iyo Safiirka QM oo ka wada-hadlay dhaqangelinta heshiiskii Golaha Wadatashiga

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta doorashooyinka, iyo sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii dhowaan ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, ee la xariiray dhameystirka doorashada iyo daahfurnaanteeda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ay siiso Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay muhiimada ay leedahay in ay sii dardargeliyaan doorkooda ku aadan Doorashadda Soomaaliya.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Sida aan garanayo, igusawirka iyo ilasawirka noocaan ah, waxaa kharash badan ku bixiya qofka raba in lala sawiro qof isaga kasii maqaam sarreeya ee uu u arkayo in agtaanidiisu/agfadhigiisu isaga sumcaddiisa iyo qaayahiisa sare ugu qaadmayaan.

    Haddaba, waxaa isweyddiin mudan, kharash intee la’eg ayay siyaasiyiinta Soomaaliya ku kalliftaa in ay sawir la galaan qolyahan beesha caalamka ka socda? Haddiise ay u muqdaan kuwo aan la goyn karin (sida kan Imaaraatiga), ma ballaamo si rasmi ah loogu qaaday (blackmail) ayay kalliftaa in ay sawirka la galaan siyaasiga Soomaaliga ah?

    Maxayse diintu ka qabtaa in uu hoggaan shacabkiisu kuhoos darxumeysan yahay kharash qarraqaad ah ku bixiyo falaadka noocan ah?

  2. Ninkii rabo in uu wax badan ka ogaado ninkan had iyo waxa uu Soomaaliya u joogo iyo waxa XAOANE ka socda ee dhibaato ah ee aay reer Galbeed ku hayaan dhallaankii Soomaaliyeed ha daawado Ninka Fartaag la yiraahdo ee uu Nairobi ku wareeysanayo, Ninka iska leh kanaalka la yiraahdo HANOOLAATO!!!

    Xalane waxaay xarun u noqotay wixii Ilmo faro xumeyn jiray ee Caddaan ahaa oo uu ninkani ugu weyn yahay!!!
    Kuwan isla sawiraya ee uu Farmaajo ugu weyn yahayna Aakhiro Su’aal badan baa u taalo!!
    Waxaa cajiib ahayd in Xalane laga soo toogtay Gabadhii uu dhalay ninkii Calanka ahaa ee la dhihi jiray Elman ee beesha Duduble U dhashay! Gabadhaa oo CANADA oga soo laabatay in aay dadka da’yarta ah caawiso, laakiin loo dilay si aaysan u faafin wixii aay Xalane ku soo aragtay!!

    Waxaa cajiib ahaa, in aaysan Dowladda Farmaajo oo iska dhigto in aay tahay, mid waddeni ahi xitaa waay ka gaabsatay in aay ka hadasho arrinta gabadhaa harka cad Xalane laga soo toogtay iyadoo ka soo baxday oo Gaari Saaran!

    Somalia is a fully US, UK and UN colony state, which is first time that the known State has become such colony! And African Union troops are just the Bodyguards of such Colony!!!!!!!!!!

    So, what is in the minds of likes of Denios and Farmaajoes, when they are on Suits and ties and siting next to this criminals!!!!! Shame on you

Comments are closed.