SAWIRRO: Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada-hadlay hormarinta dhaqaalaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, DFS Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga Mudane Luca Maestripieri, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee Labada Dal.

Agaasimaha ayaa la wadaagay Wasiirka aragtiyo ku aaddan istaraatiijiyadda horumarineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga tilmaamay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahmiyadda Dowladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*