UPDATE: Shidaal la,aan baahsan oo ka jirta magaalada Jigjiga, & Mustafe Cagjar

Shidaal la,aan baahsan ayaa ka jirta caasimadda Dowlad deegaanka Soomaalida Jigjiga, taas oo abuurtay jahwareer iyo inuu istaago isu-socodkii gaadiidka magaalada.

Maamul walba oo kamid ah dalka Itoobiya ayaa la siiyaa shidaal ku filan deegaankiisa, iyadoo ay kabto Dowladda dhexe ee Itoobiya. Maamulka DDS ayaa ku eedeeyay ganacsatada deegaanka inay meelo ka baxsan deegaanka u iibgeeyaan shidaalka.

Xuxigeenka xafiiska Warfaafinta DDS, Maxamed Rooble Maxamuud ayaa sheegay in shidaalkii loogu talagalay in lagu isticmaalo gudaha deegaanka, loo iibgeeyay Puntland iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay in shir uu guddoominayo Madaxweyne Mustafe Cagjar, loogana hadlayo shidaal la,aanta ka taagan DDS, uu maanta dhacayo, isagoo intaas ku daray inay tilaabo ka qaadi doonaan cid walba oo meel ka baxsan deegaanka, u iib geysa shidaal.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*