XOG: Maxaad kala socotaa kulamada Guddoomiyaha cusub ee G. Bari ka wado Boosaaso ?

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Bari ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cali Siciid, oo aan weli la wareegin xafiiska maamulka gobalka Bari ayaa kulamo gaar gaar la qaatay Isimmada beesha uu kasoo jeedo (Cali Saleebaan) Beeldaaje Maxamed Beeldaaje, iyo isimmada & waxgaradka beelaha kale ee gobalka.

Sida ay ogaatay P-TIMES, Guddoomiye Cabdirisaaq Shahdoon ayaa wada dadaalo uu isimmada beeshiisa ugu qancinayo inay taageeraan qorshaha dowladda ee xalinta xiisada Boosaaso, iyo in ay wareejiyaan Ilma-diyaano Hay’adda Ciidanka PSF Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Bari oo ah nin saameyn balaaran ku leh gudaha beeshiisa, ayaa loo arkay magacaabistiisa mid uu culeyska siyaasadeed eek a saaran gobalka Bari uu isaga dajinayay Madaxweyne Deni.

Gobalka Bari ayaa wajahaya culeys badan tan iyo markii Madaxweynaha Puntland uu xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo ku gacan seyray dagaal saddex maalmood socdayna uu la galay Ciidammada Puntland.

Qaar kamid ah Isimmada dhaqanka gobalka Bari ee uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa markii labaad soo saaray go’aan ay kula safan yihiin Maxamuud Diyaano, taas oo dowladda ka biyo diiday, waxaana socda shirar iyo kulamo looga hadlayo xalinta xiisada PSF.

PUNTLAND TIMES

5 Comments

  1. Runtii magaalada Bosaso hantida taala inteeda badan waxaa leh beel weynta cali saleebaan waana nimanka ay ka go’do talada boosaaso c/risaaq shaah doon waa nin soo af jari kara qul qulatada ka taagan magaalada nimanka reer diyaano iyo hagoogane burhaan barqa cad ayuu ka saarayaa boosaaso qardho waa in ay aadaan 🤪👈

  2. cali saleebaanka waa banaadiriga xamar kkk
    cad cadka maxay ka galaan xamar yaahuu yaakaafi kkk
    balo cid waliba meeshay ka nuugeyso haloo daayo
    diyaana guul

    • Waxaan ogaaday reer nariga intiisa kale ineey ka baqaan cismaan maxamuud, taas waxaa caddaynayaa wax walbo oo cismaan Maxamud u sheego ama handaadaad ah madaxa ayeey hoos u foorariyaan heye ayeeyna yiraahdaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*