DAAWO: Galmudug oo Puntland ku wareejisay Gaari laga dhacay

Maamulka degmadda Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku wareejiyay gaari laga dhacay bilo kahor deegaanada Puntland, Maamulka degmadda Gaalkacyo ee Puntland.

Gaariga oo dadaal badan ay u galeen soo celintiisa maamulka Gaalkacyo ayaa lagu wareejiyay, dadkii kolkii hore laga soo dhacay.

Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan, ayaa u mahadceliyay dhiggiisa Galmudug, isagoo sheegay in soo qabashada gaarigan ay sii xoojinayso Nabadda iyo isdhexgalka Gaalkacyo.

PUNTLAND TIMES