SAWIRRO: Puntland oo gaadiid dagaal ku wareejisay Galmudug

Dowladda Puntland ayaa ku wareejisay Galmudug gaadiid Ciidan oo ah nooca loo yaqaan ‘Cabdi Bile’, kuwaas oo lix sano ku xayirnaa Dekadda Boosaaso.

Gaadiidka oo loogu talagalay Booliska Galmudug, ayaa waxaa ku deeqday Hay’adda UNOPS, oo taageerta Booliska Soomaaliya. Puntland ayaa xanibtay gaadiidkan 2016kii oo xiisad dagaal ay kala dhexeysay Galmudug.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa horey Galmudug ugu wareejisay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 10 baabuur, kuwaas oo loogu talagalay Ciidanka Daraaawiishta, xilli uu socday dagaal u dhexeeyay Ciidanka Galmudug oo garabsanaya Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

PUNTLAND TIMES