AKHRISO: Siciid Deni oo ka hadlay la wareegitaanka Villa Somalia, ee MD Xasan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wanaagsan ay xilka isugu wareejiyeen maanta Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub, wuxuuna u rajeeyay Madaxweynaha cusub in alle u fududeeyo xilka loo doortay ee uu maanta la wareegay.

“Waxaan boggaadinaya sida habsamida leh oo nabadgelyada ah ee ay u dhacday xilwareejinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay dalkeena u tahay wax weyn in aynu joogteyno isku wareejinta xilka Madaxweynaha si nabad ah oo dimuqraadiyadd ah .

Madaxweynaha cusub ee JFS oo maanta Xilka la wareegay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa hortaalla shaqo badan, waa in lala shaqeeyo oo lagu garab istaago sidii dalkeenu hore ugu socon lahaa, waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo xilka uu maanta la wareegay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES 

10 Comments

  1. Waxaan bogag hore kusoo arkay labo arrimood; duqii Barre ahaa oo waxa uu Majerteen iskayeelyeelaba qummaati u abtirsaday, iyo odayada USC oo kuhadaaqaya hawraar waaqiciga dhabta ah aad uga baxsan sidoodii.

    Inteennan halkan ku xiran nagumajiro nin arrimaha siyaasaadda Soomaaliya, dowladnimadeeda, iyo weliba Xamar iyo Koonfurta uuga dhuundaloola oo ugana xog-ogaalsan saaxiibkeen A.A.Xade. Wuxuuna dadka kale siidheeryahay in waxa uu sheegayo been iyo ka-bad-badis kunaashnaashin e sida ay tahay hadalka u dhigo. Waxa uu ina Xade sheego waa run iyo wax jira.

    Marka aan usoo noqdo hawraarta nasiibka daran ee ay odayada USC fiirli’ida iskasoso ganaan, waxaan xusuusinayaa oo keliya saddex arrimood oo ah waaqiciga dhabta ah ee dalka ka jira:

    1) In dalka Daaroodku huwiyeen nidaam federaali ah oo macnuhu yahay in awooddu hadda shacabka geyi kasta kudhaqan iyo dowladdiisa gacmaha uugujiraan, sidaas aawadeedna Hawiye kasta oo uu yahayba aanu madaxweyne Xamar barriiqan kudhici karin inuu ugasoo dowladeeyo amase ugasoo ku-amarkutaagleeyo – Xassan Sheekh iyo midkaleba.

    2) In haddii ay maxkamadeyn iyo sheekadaas xaajadu gaadho bayaan u caddahay inay baarlamaanka Soomaaliya dhoobanyihiin oo laguna biilo odayaal gacankudhiigleyaashii USC katirsan oo iyagu yihiin kuwa uqalma in Shareecada iyo Sharciga la mariyo oo maxkamadaha caalamkana malafyadu ka yaallaan. Waxaa xiga inta USC ku abtirsata ee daaraha Xamar xaaraanta ku haysta teer iyo qabtii.

    3) In beelaha kale ee ay “Irir Samaaluhu” yassaan oo sooxaqirayeen oodwadaag layihiin beelaha Daarood oo ay aad ujecelyihiin, gabboodsadaan, raallina kuyihiin inay waxwalba lawadaagaan. Marka beelahaas iyo Daaroodka la isku darona, ay kufadhiyaan dalka 80%-kiisa iyo degellada barri iyo baxarba uugu istraatijisan oo waxsoosaarka qarankana laf-dhabarka u ah.

    Sidaas aawadeed, Daaroodka aydin kudhegahadashaan iyo degaannadooda ayaa dalkan u ah tiirarka uu ku dul qotomo – siyaasad ahaan, waxsoosaar ahaan, iyo dhaqaale ahaan intaba. Ninka Villa Xalane barriiqan haddii ay Daaroodku qoonsadaan waa layaqaannaa sida uu ku dambeyn doono – Xassan Sheekhna xaqiiqadan wuu fahamsanyahay oo kumadhaco inuu safaad kukaco.

    Daaroodku iyaga oo maanta dalka sikasta ugu tunweyn oo uguna tanweyn ayay haddana Qarannimo Soomaaliyeed kaxigeen oo dadaalka ugu xoogganna usoomareen sidii loo qotomin lahaa. Haddaba, odayadiinnan USC waa inaydin garataan in afxumadu nabadda kaafogayso oo colaadna wax kaagatarin.

    Labadan SNM ah ee khayaalka “Irirnimo” idiin ku sacabbatumayana waxba idiin masoo kordhin doonaan haddii ay Xamar dhabaqdo e lasocda, waayo iyaga ayaaba ah tuke geed uu ku dego la’. Soomaalinimadu ha idin deeqdo.

  2. SALAAMU CALEEKKUM

    BOQOR SACIID DENNI soo dhowow madaxweyni. Guul baad joogtaa hadii aad fulisay balan=qaadkaagii ahaa in aad VILLA SOOMAALIYA ka saarto XAAR FARMAAJO.

    Cayayaanka iyo ILKA YAR ha iska qayliyeen… safarku waa in uu horay u socdaa..
    Guul iyo badhaadhi iyo nabad iyo barwaaqo baad joogtaan. ALLAH mahad leh.

    VIVA PUNTLAND
    VIVA JUBBALAND
    VIVA DFS

    W

  3. SALAAMU CALEEKUM

    WAR DEG DEG AH IYO DIGNIIN — WARQAD FURAN EE KU SOCOTA MADAXWEYNI XASAN SHEEKH MAXAMOUD

    Waxaan kuu rajaynaynaa in ILAAH WEYNI ku fududeeyo hooshaan ballaadhan ee ku hortaal.

    Hase yeeshee, waxaan kaa codsanayaa in aad wax ka qabato bililiqadii ka dhacday VILLA SOOMAALIYA iyo XARUNTA NISA.

    Madaweyni, waxaad la socota in waxaan hoose ku qoran in ay dhaceen oo shacabka MUQDISHU ay la wada socdaan:

    1. In hub casri ah, in lagala baxay Xarunta NISA oo la geeyey GEDO iyo CAABUDWAAQ.
    2. In dad masuuliin sheegan jidhay ay la baxsadeen baabuurta aan xabbado karin ee gaadhayaa ilaa 20 gaari. Baabuurtaas in ay ku xireesan yiheen guryo ay leeyiheen dad masuuliin oo xildhibaano ah, oo Generaalo ah.. Baabuurtaas waa in la soo celiyaa.
    3. VILLA soomaaliya 3 dii berri ee ugu dambeesay baabuur badan ayaa laga raray… waana aragtay sida VILLA SOOMAALIYA loo dhacay.. oo aad ugu timid meel gelgelin ah, xataa dasuudi iyo maacuunkii lala baxay.

    Marka, dasuud iyo koobab macni ma laha, kuwa bililiqastana waa dugaag ee waxaa madaxweyni lagaa rabaa in aad Ummada SOOMAALIYEED u soo celiso hubkii casriga ahaa ee la bililiqaystay iyo baabuurta aan xabbaddo karin ee wali yaal guryahaa xildhibaanada iyo geneeraalada ee MUQDISHU.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  4. DENI dabeeylaha siyaasad wareer ayaa hadba meel u sidataa!
    Waa naf la caari e puntland yuusan burburinin.Waqtigii runta loo sheegilahaa ayay taagantahay.Waxaan maqlay in Ciidamo is horfadhiyaan,waa arrin khatar waana in laga hortagaa dhiig daadin reer Puntland.

  5. SOONALIA, SHACABKA KUNOOL WAXAA HEYSTA WAX LAYIRAAHDO,

    dhibaatada aqoonsiga (Identity crisis)

  6. Isaaq, Hawiye, Raxanweyn, Darood iyo Qaar bananaba waxaa heysta Aqoonsi la’an. Identity crisis,

  7. Aduunku waa uu horumarey, waxaa lagaarey, technology waa weyn.
    Somali se waxey wali isku heystaan raas raas iyo shaqsi.
    Miyey iloobeen 50 sano Somali oo dhan waxey ahaayeen reer guraa xoolo dhaqato magaalooyinka lagu soo yaacey sida hargeisa, muqdisho, boosaaso, kismaayo baledweyn oy u dhisteen sidii qarniyadii hore, 1300 sano kolkuu ahaa qarniga. SOOMALI WAA WADA DAMBEEYAAN. Waxey iska baayac mushtaraan, caruurtooda iyo naagahooda. SOMALIA OGAADEENIA WEEYE SOOMAALIDA KALIYA EEN WALI NADIIF AH DHULKOODA. BAAYACMUSHTARKA BEENTA AH JOOJIYA OO KU BADELA ADEEG.

  8. john

    aqoonsigu waxuu ka bolowdaa shaqsiga. horta hore adigu is meelee oo aqoonso cida aad tahay ama aad ka tirsan tahay… markaas kadib fikirkaaga ka cabiro rukta aad ku taagan tahay.

    waxaad soo tirisay qabaailadii somaliyeed oo idil. hadii aad midkood ka tirsaneyn…. xaq uma lihid in aad bulshaweynta somaaliyeed ka faalootid ama aflagaadeysid.

    hadii aad tahay xabash afka soo bartay…. hadee boqol milyaan oo ah wuxuush, oo kula dhalatay, ayaa kaaga bahaan faalo celin iyo aflagaado kii aad door bidid.

  9. @@Qardafui,
    I like how you dealt with John,He is talking about identity crisis when he himself is ironically indenial of his identity. Why choose John when he can use the more beautiful name Mohammed?

Comments are closed.