Baarlamaanka JFS oo maanta dooranayo Madaxweyne

In ka badan 320 Xildhibaan oo kamid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho dib u dhacday muddo 15 bilood ah.

39 Musharrax ayaa isku diiwaangeliyay doorashada Madaxweynaha DFS, Waxaana jiray saacadihii lasoo dhaafay Musharraxiin shaaciyay inay isaga hareen tartanka doorashada. Balse Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha ayaa la filayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan xubnaha loolanka gali doona.

Olale xooggan oo ay wadaan Musharraxiinta kursiga Villa Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho, Musharraxiinta Madaxweynaha ayaana dadaalkooda ugu badan galinaya siddii ay uga gudbi lahaayeen wareega kowaad.

Korjoogto caalami ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo qulqulayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo la socon doona habka ay u dhacayso doorashadu.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, Waxaana magaalada ka jira bandow ay kusoo rogeen Booliska Soomaaliya. Goobaha waxbarashada iyo xarumaha ganacsiga ayaa saaka xiran.

PUNTLAND TIMES