BREAKING: Masuul kamid ah Dowladda hoose ee Gaalkacyo oo la dilay

Dabley hubeysan ayaa ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo Agaasimihii waaxda Barakacayaasha ee Dowladda hoose ee degmadda Gaalkacyo Zakariye Siciid Salaad.

Dilka oo ka dhacay kaam barakacayaal oo lagu magacaabo ‘Orshe’, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta. Waxaana gaaray Ciidanka Amniga Puntland oo wada baaritaan.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Soomaaliya.
    Goor ma ayey Soomaalido gaari,in dhagar qabayaasha haysta ,dilalka ka xiriira, qabyaalada,la hor keeni cadaalada si loo xukuma.
    Mar uun bay ka hirgashay in gacan ku dhiigle uusan ka baxsan in sharciga ka hor kiina.
    Waa xilgii dowladii Kacaanka.
    Maantay,Soomaaliya,waxaa joogta in qof Soomaali ah loo dilo,danbi uusan lahayn,waa dhacdo joogta ah,waxayna sii korodhay,ka danbow burburkii qarankiii Soomaaliya.
    Arintani waa caado, Jaahiliya oo ah dhaqan fool xun.
    Waa in xal loo helo si ,danbiga ugo ekaada dhagarqabaha oo qura.

  2. Wey bilaamtey qorshihii Xasan Guurguurte Waxaan idiin soo gudbin SADDEX AJENDA Xasan Sheekh miiska u saaran ..

Comments are closed.