Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo magacaabay Ergayga Abaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ahaa musharrixiintii Madaxweynaha DFS Ergeyga gaarka ah ee ‘Arrimaha Abaaraha iyo Bini’aadamnimada Soomaaliya’.

Sida ay u xaqiijiyeen Puntlandtimes, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo jeediyay xilka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo aqbalay, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda Villa Soomaaliya baahiso magacaabistiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida adag u diidanaa hab-dhaqankii siyaasadeed ee Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo isniintii wareejiyay xafiiska Villa Soomaaliya.

Doorashadii dhacday 15 bishan May, ayuu Warsame helay wareegii kowaad codad gaaraya 15 Xildhibaan, kuwaas oo uu wareegii labaad ku biiriyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ahaayeen xulufo siyaasadeed, kuna wadajireen Golaha Midowgii Musharrixiinta.

PUNTLAND TIMES

15 Comments

  1. Dhurwaa hilib ku raro ahaa! Kkk
    Laakiin Dhurwaagu kiisa kale wuu aaminaa! Kkk

  2. Xassan Sheekh tallaabadii ugu horreysay ayuu ku kufay, iyada oo aan xukuumaddiisiiba weli lataagin oo baarlamaankiina si rasmi ah loo furin!

    Tan oo kale waxaa looyaqaannaa ‘Getting Your Priorities Totally Wrong”.

    Shalay ayaan kulatalinayay inuu dowladnimada tiirarka udhidibbo oo huwaabaha iyo hay’adaha udhiso markahore, maantana maankii kelitalisnimo ee dalkan naafeeyay ayuu jaa kukacay.

    Sida dowlad-wanaagga waafaqsan, in abaaraha markahore wasaarad amase hay’ad loo unko ayaa kasokeysay in qofka maareynaya loo magacaabo. Hadda dawliil aan dhisnayn ee aan shuruudaha, sharciga, iyo qawaaniinta hagi doonana weli looqeexin ayaa ninkii madaxda u noqon lahaa loomagacaabay. Waa musuqmaasuq iyo maamulxumo iska cad.

    Waxaa kale oo Xassan kamuuqata in aanu dunidaba laosocon oo kadhegala’yahay in isbeddelka cimiladu yahay halista ugu xun ee caalamka waajahaysa mustaqbalka dhow iyo kan dambeba, Soomaaliyana lagu tilmaamay waddanka ay abaaruhu kusii dabadheeraan doonaan ee isbeddelka cimileedna aadka ugu nugul.

    Haddii sidaas wax ulasocdo, musiibadan ugu xun ergay xun uma magacaabeen e intuu ahamiyadda koowaad siiyo ayuu wasaarad dhan udhisi lahaa oo kana yeeli lahaa tan ugu horreysa ee dalka ka hawlgasha.

    Kaaga daran e, qawsaarkii ugu xumaa ee uguna taariikhda xumaa ayuu xilkaas xasaasiga ah umagacaabay.

    What a complete and utter shambles of a government before it has even begun!

  3. AXADO

    DHILO … IIDOOR AY KU WAALATAY … IIDOOR KU WAS

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  4. Saasanta muqaayi mafiicna
    Alxaqiiqa 2017 ayaa dhagaha
    Somalida ugudanbaysay
    Argay gargaar taas oo
    Micnahadu yahay dadka dhagahooda ku dhaca
    Shakuur wasiir mahan mareeye
    Mahan magcabistaas waxay
    Ceeb kutahay shacabka
    Somalia oo mujinayso dad
    Gargar markasta ubaahan
    Lataliyihii qaranka waan aragnay make badan in ushaqeeyo ayuu noqday
    Walaahi baan kudhaartay
    Xasam hadii aad saan ku
    Socoto shacabku waa aay
    Kunacayaan dabadeedna Vila somalia kujirimaysid because Vila somalia waxay kadhaxaysaa 30milion ee somali ah
    War waxaan hilib doofàar
    Miyuu cunay maxaa kaqaaday
    Damiirkii actions totally unvailed
    Barasho wacan somali waad
    Isaekaysaan halyeey qaran
    Ayaad badashay we ll see

  5. Asc. Awlal brother ur country needs pple like u marka maku fekertay inaa dhulkii qabatid oo wax soo tartid? Meeshaan waxna kuma tari kartid maxaa yeelay waa online hadalkaaga qiimaha badana waa kaaga qasaarayaa. Waxaa kaa guuxaayo brilliant ideas waana u bogey saad arimaha uga hadashid brother maanshallaah.

  6. Nin cayd ah ceeyb kama dhamaatee caaweey noogu darantee xagee baan cuskanaa!oo wuxuu soo tuugsado isaga ma soo dhaafi doonaan?Soomaalidii tollaayeey iska dhiciya lahaa sideebu dhexdhexaad uga noqon?Xasan Shiikh taalaabooyinkiisa are not inspiring so far and all the indications are pointing towards wrong policies.

  7. Waligeey meeshaan wax kuma qoran lakiin walaahi anigu waa iska xaamasha waxaana ku noolahay Alaska anchorage ..
    Waxaan aad iyo aad i cajabiyay awlal ninkaa layiraah he is totally full of ideas and seems pragmatic about Somalia’s future you are really full of wisdom it seems you straighten up Somalia nation building priorities , you are more wise and intelligent then so called recently nominated national security advisor which I was happen to listen him talk he was more like semi illiterate with couple of English vocabularies..go to Somalia please and set up private instituations which can give advice to private and public institutions.

  8. Waxaa haboon in aan magacaabis badan aan si deg deg ah,loo samayn,lagana fiirsan,madaxtooyada in la magacaabo waa muhiim.
    Waxa la yaab ah ergeyga gaar ka ah ( especial representative )
    Waa maareeyaha ama madax abaaraha iyo masiibooyinka,waa ka baabi’eyo wasaaradii qaban jirtay,howshaasi si jahawareer u imaan,
    Waxay ilatahay in maamul ka cusub ee madaxwayne Xasan Shiekh Maxamuud waqti la siiyo,waa wax wanaagsan ra’yi ama figrad wax
    dhisaysa.
    Mida kaliya ee aan isleeyaha,madaxwayne mudane Xassan Shiekh Maxamuud,waa ninka uu u magacaa,la taliyaha amniga,oo ah runtii shaqsi aan ilaalin karin xogta dowlada iyo madaxda,marka xilka laga qaado.
    Waxaan rajaynayaa in raiisal wasaare karti hufnaan iyo aqoon intaba leh in uu madaxwayne Mudane Xasan Shiekh uu dhaqmo u soo magacaabo.
    Soomaaliya guul iyo gobanimo.

  9. @@@Zakariye,

    Walaal waad kumahadsantahay guubabadaada qaayaha badan iyo qaddarinta aad ii hayso. Inshaa’Allaah waan isku-dayayaa inkastoo aanan isu qabin inaan uqalmo dalkeenna oo aan xil kasoo qabto.

    Allaah Yacizak brother-mine.

  10. @@@Hirsi Baardheere,

    Hirsi walaal, aniga oo walaalkeen Zakariye jawaabta hawada udhigaya ayay oraahdaada qiimaha iyo qaddarinta badan igasoo duldhacay.

    Si kal iyo laab ah ayaan idiin kaga mahadinayaa kalsoonidiinna qiimaha badan ee aydin igu sharafteen dhammaantiin, waanan idiin qabaa anigana.

    Wow! Nin Soomaali ah oo Anchorage iyo Alaska laqabsady waa nin ay raganimadiisu raganimo dhaaftay runtii. Waa gobol aad u qurux badan oo haddana “extremely tough” ah xagga cimilada. In badan baan Anchorage Airport (PANC) ka daawaday barnaamijyo diyaaradaha laga diyaariyay oo aad u xiisa badan.

    Waxaana guriga ii yaalla Flight Simulator aan duuliyenimada ka bartay oo in badan baan (virtually) PANC ka degay qudhaydu! Waxaa kale oo aan aad ujecelahay Juneau Airpot (PAJN) iyo PAKT (Ketchikan).

    Allaah Yacizak walaal.

  11. No-kidding Awlal is a smart guy but also too strongly bias. he is not nationalist but an idiologist. He never gave a single comment or critism on farmajos regime which left behind miriads of blunders. but he is quick to jump on those he percieve as the outlanders such as Deni,Gas and Qoslaaye.

    i beieve Abdishakur fits that tittle. I believe he can be the closest person to be fair enough to those in need of assistance without looking at their ethnic background. And that is what matters the most in this day and age.

    YES… shakur is a fellow clansman and comrade of qoslaayey… BUT everything should not be judged by the lens of clanism… but by the character of the concerned.

    one thing somalis dont wanna accept is the fact that we are all thiefs and blundderous. At least the thief you know is better than the one you dont. i believe shakur can deliver small matters better than lots of others.

  12. @@Qardafui,Ccw recordkiisaa banaanka yaala. Waa controversial individual and he will not be helpful bringing people together.Xasan Shiikh had all the opportunities to set a new path and bring on board the train new faces that will inspire but he failed and seems Xasan is still Xasan.

  13. Wiciivu qaylinaayay ayuu helay.Mardhaw waad maqli 50 jir 50 million haysta
    Me3shaa waxaa loogu magacaabay inuu xado ooga mashquulo intiisana u tuuro.

  14. Ally M

    ixtiraam weyn ayaan inii hayaa adiga iyo awlaal lakiin xaalkiinu waxuu yahay…. if he is not one of our gang he is our enemy.

    tan kale Mr qoslaaye isaga laftigiisu ma filahayn in uu guulaysanayo oo mucjiso ayey ku noqotay. labo nin ayaa meesha loo diidanaa oo waxay kala ahaayeen Deni iyo farmaajo. marka maxaa loo qaylo dhaaminayaa??? soo dantii la lahaa lama gaarin???? soo somali oo dhan ma dooran qoslaaye??? ayagoo og taariikhdiisa. Mr qoslaaye xaq buu u leeyahay hadii uu wasiiradiisa oo dhan ka dhigo ilmo adeeradiisa koobaad…. maadaama la siiyey blank-check.

    somalidu waxay taqaanaa…. opposition without a cause. we all dont expect much progress from mr qoslaaye but atleast we can all expect the tention and the commotions to subside (since he matured enough and sseems to learn from hhis past blunders)….and we all smile like him. smile and laughter is the cure of all illness.

Comments are closed.