DAAWO: Aabe carruur uu dhalay ku dilay Gaalkacyo (Maxaa sababay ?)

Axmed Maxamed Faarax, oo ah 43 sano jir ah ayaa ku dilay xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug labo carruur ah oo uu dhalay.

Carruurtan oo ahaa 10 sano jir iyo 11 sano jir, ayaa lagu kala magacaabi Idiris iyo Zakariye. Booliska gobalka Mudug ayaa sheegay in baaris hordhac ay muujinayso in dilaagu uu carruurta gawracay shalay.

Meydadka carruurta ayaa laga helay guriga uu deganaa Aabbahood, kaddib markii la waayay ilaa shalay, oo Aabbaha dhalay kasoo kaxeystay hooyadood, oo uu u sheegay in uu geyn doono Iskuul “Boarding” ah, oo ay ka heli doonaan waxbarasho iyo hoyi.

G/Sare Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa sheegay in dilaagu uu isticmaali jiray maandooriyayaal, ayna gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Boolisku. Waxaana uu intaas ku daray inay wadaan baaris dheeri ah.

Dhacadadan naxdinta badan ayaa si weyn looga hadal-hayaa magaalada Gaalkacyo, waxaana ay kusoo aadaysa xilli laamaha Amniga Puntland ay adkeeyeen Amniga Gaalkacyo oo muddo badan gabaad u aheyd kooxaha argagixisada ah, lana yareeyay fal dambiyeedyada dhaca.

PUNTLAND TIMES

3 Comments

  1. Innaa Lillaah Wa Inna Ileyhi RJCN. Waa arrin naxdin naxdin naxdin leh, laga argagaxo, ninna gabanka uu dhalo gacantiisa kuma dilo, carruur yaryar, waa hubaal inuu maskaxda ka jiranaa oo qof caadi ah ahayn, waa arrin Somalida ku yar, waxaan tacsi u diraya ehelkii, hooyadii iyo dadka reer Gaalkacayo iyo SOmali oo dhan.
    maxaa war xun SOmali ka soo yeedhaya subax walba

  2. marka la dhahayo khamrigu waa umul khabaais(khaniswada dilal wada wasakh wada
    qawad wada)cayaar mayaad umaleeynaysa hasugi waayin khatra badan dadkaan ku soo socda rooba la’aan gaajo cudar aan horay loo arag waayo xadiis Subaneheeni Mohamed(scw) meel hadii fuxshiga dahiro Ilaaha wuxu ku rida cuduro aan la’aqoon abaar daba dheeraata,colaad,gaajo ayaa laga dhaxla fusuqa war is daba qabta badana ku mandoriyaha isticmaala caruurtoda wax kadayaan.Bishaan 15 may2022 khanistii oo dhan waxy isgu yimaadeen jasirado spaniya ku yaala dadkii mesha isigu yimi waxaa ku dhacay jadeecada dayeerka ku dhaca welwel ayaa aduunkii soo food saartay.Mumino a.shirow garbkaaga Allah galo mondrya iyo khamrigo musiibo puntland larabaan

  3. aawaye kuwii u doodi jirey daalimiinta kkkkkk. qawrac markey maqleen ayeey kala yaaceen.
    dulmile dilaya cadowgaaga hadii aad qareen u noqotid adiga iyo ubadkaaga ayuu kulasoo darsin oo ku qawracin. shit always goes down.

Comments are closed.