DAAWO: Puntland oo fagaare ku yaalla Gaalkacyo ku toogatay nin dil geystay

Fagaare ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu toogtay Maxamed Cabdullaahi Cali (Madax madow), kaas oo dhowaan xukun dil ah ay ku ridday Maxkamadda darajada kowaad ee gobalka Mudug.

Maxamed “Madax madow” oo ahaa 40 sano jir, ayaa bishii Janaayo ee sannadkan 2022, ku dilay miyiga deegaan Cali Gabagabo oo hoostaga degmadda Xarfo Marxuum Cali Daahir Tima-yarre oo ahaa 22 sano jir.

Fulinta xukunka waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, ku Simaha Guddoomiyaha Gobalka mudug, Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobalka Mudug, Masuuliyiinta maxkamadda Darejada 1aad ee Gobalka mudug.

PUNTLAND TIMES

8 Comments

  1. Qisaaska waa xayyaat(Nolal).Laakiin haddaan nahay shacabka markasta caddaaladda Xaafadxaadad ah shaki ayaa ka qabnaa. Wuxu nidaam ummada Islaamka ka dhaxeeya maha oo Xaafadxaadad custom made waaye. Midakale,intaas oo masuul ah e meesha xaadirtay waxaay ku tusinaysaa in dayaceen shaqada bulshada caajisna ka badtay meel ku neefsadaan raadinayaan. Haddii sida saxda ah Qisaaska loo fulinayo aaway dadweenihii loogu talo galay in ay ku cibro qaataan as a deterrence. Waxaan waa igu Sawir.

    • Ally M, waa inan gumeed wax Allaale wixii Puntland qabato Deni buu ka dhex arkayaa, markaasuu ka raadinaya xumaan, waar Illaahay ka baq ummadda waa ku taqaan, xaaraami, nin dil gaystay baad Siyaasad ka dhigaysa, dadkii meeye iyo masuuliyiin baa timid baad eed ka dhigaysa, markii Ikraan Tahliil la waayisanaa shib baad ka ahayd oo caddaaladda la is hortaagaya ama CC Shakuur waardiyahiisa la xasuuqay, sharaf ma lihid, aniga waxay ila tahay guriga aad ka timid uun baad ka tarjumaysa ama nin wax u dhiman yihiin oo xagga dhimirka ka jirran baad tahay, hadalkaaga hunqaacadaah meeshan loogama baahna

  2. SALAAMU CALEEKUM

    Ninkii nin dila, waa in loo dilaa. Sidaas waxaa qabta diintiina suuban. Hadii ninkaas bad baadin lahaa, waxeey ku jirtay gacanta ehelka marxuunka la dila.

    Nabad aa naas la nuuga leh. Sidaas baa lagu kala badbaadiya. Sharciga iyo diinta waxeey qabto waa in la mariyaa.

    (وَكَيْفَ يُحَكِّمُونَكَ وَعِندَهُمُ التَّوْرَاةُ فِيهَا حُكْمُ اللَّهِ ثُمَّ يَتَوَلَّوْنَ مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا أُولَٰئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ (43) إِنَّا أَنزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ ۚ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِن كِتَابِ اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ ۚ فَلَا تَخْشَوُا النَّاسَ وَاخْشَوْنِ وَلَا تَشْتَرُوا بِآيَاتِي ثَمَنًا قَلِيلًا ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ (44) وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالْأَنفَ بِالْأَنفِ وَالْأُذُنَ بِالْأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ ۚ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَّهُ ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ )

    Bal aayadaas xagee laga marayaa..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  3. BARAWANI+KING, ku dhaqanka Shareecada Islamka waa muqadas,waana sharci Allah noo Soo dejiyay ,laakiin in aan qeyb ka mid ah aan qaadano ,qeybo badan aan ka tagno waa arin aan loo baahneyn,bal fiiri dalkeena kuwan sheegta dowlad Federal,Somaliland iyo maamul goboleedyada waxaa dastuur u ah dastuur shisheeye u Soo qoray, marka waxaan idin dhihi lahaa diinta yaan la barxin ee aan duuduub ahaan u qaadano si aan u gaarno wanaag Adduun iyo mid Aakhiro.

  4. Maxaa sabab u ah iney wiilal isku raas ah isfilaan markaas labadoodaba ay isrhaafshaan, nolosh?

    Faqriga.
    Cilmi darada.
    Caqli xumada.
    Dhaqan xumada.
    Isku qabsashada dumarka.
    Xatooyada iiman darada leh.

  5. Agaa mid gaal magaciisa wato ayaa nasoo dhexgalay”John”
    toloow magaal Soomali xuquuq doon ah ahbaa oo natijaabinayo?
    Magacyo quruxbadan ayaa buuxa e maxaa John lagu doorway!

  6. badanaa shacabka somaaliyeed cabsi kama qabaan in lagu fuliyo sharciga marka ay qurgooyo sameeyaan waayo waxaa u furan dulduleedyo farabadan sida magta iyo qabyaalada iyo fakashada sharciga oo ay wadanka dibadiisa ugu baxsadaan.

    inta ay jiraan dulduleedyadaasu nabada lama sugidoono.

    marka uu shaqsiga somaliga ah uu xuduuda somaliya ka baxo waxuu noqdaa muumin edeb badan oo arlada iyo umada badbaadiya. xaataa hadii la dulmiyo waxuu madaxa hoos u dhigtaa isagoo ah madluun aan deero yac dhihi karain.

    bal maxaa u diiday in ay edeb iyo xurmo u hayaan dalkooda iyo diintooda. wey ogyihii in shisheeyuhu u naxahayn oo kadabkooda ka kacayo. typical weak society.

Comments are closed.