DAAWO: Xasan Sheekh: Feylasha waa weyn ee laygu wareejiyay, tartiib baan u akhrin

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu feylal badan kala wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo si tartiib tartiib ah u akhrin doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

PUNTLAND TIMES

5 Comments

  1. Asc

    Maalin maalmaha ka mid ah anigoo baabuurkeyga wata ayaa waxaan jug siiyey baabuur kale oo jidka yaala.
    Geesaha haddaan fiiriyey waxaan arkay dad goob joog ah inay i arkaayaan.
    waraaq ayaan waxaan ku qoray waxaan jirin oo bug ah waxaana geliyey baabuurka aan ku dhacay muraayadiisa horre !.
    dadkii i arkaayey waxay u maleeyeen inaan magacayga iyo addresskeyga ka tegey !.

    BAL FEYLKA FARMAAJO KA TEGAY WAXA KU QORAN QIYAAS

  2. Xassan Sheekhow, isla qaladaadkii Farmaajo kudhacay ee ka hakiyay inuu malafyadaas “waaweyn” dardargeliyo ayaad adigana afkaaga kuqiratay inaad kudhacayso muddada gaaban ee aad xilka hayn doonto, waana mushkiladda uu dalkani ka dhaqaaqi kari la’yahay oo cakirnaantana uga bixi kari waayo siniin miniin.

    Mushkiladdu waxaa weeye in aydaan dhammaantiin waxba is dhaamin marka ay hoggaannimada noqoto, aydinna kasimantihiin maanka gurracan ee kelitalisnimo iyo garashaxumada idin ka haysata macnaha dhabta ah ee hannaanka dowladnimo. Waxaana kasii daran in aydin ka arradantihiin macnaha dhabta ah ee nidaamka federaaliga iyo habka uu u shaqeeyo.

    Hannaanka dowladnimo waa mid kudhisan oo kushaqeeya huwaabo iyo hay’ado ay hawlahoodu kala qaybsanyihiin laakiin islamarkaana darafyo badan iskaga xiranyihiin. Sideedana, waxa hawlaha dowliga dhaqaajiya ee kalawada oo fuliya ma aha madaxweyne, ra’iisal wasaare, iyo wasiirro e waa huwaabaha iyo hay’adaha iyo shaqaalaha dowliga ee katirsan (civil servants).

    Jagooyinka madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, iyo wasiirrada waa iska summado guud oo hoggaannimo (symbolic). Waa mustaxiil inay hawlaha dowliga dhammaantood gacanta kuhayaan oo kalawadaan. Maareyn iyo maamulid guud ayay xilalkoodu ku koobanyihiin.

    Dalkan iyo dadkiisa kudhex darxumaysan xuquuqda ay idin kuleeyihiin waxaa ugu horreeya inaydin dawliilkiisa dowliga degdeg ugu dhistaan si hannaanka dowligu iyo hawlihiisu u kala socdaan oo dowladnimadana qummaati loo dareemo. Huwaabaha iyo hay’adaha dhisa oo malafyadana kuwareejiya si wax uqabsoomaan oo dowladnimaduna u dardargasho.

    Madaxweyne kasta haddii uu malafyada iskalafadhiisto oo ugufadhiisto calaashaan sida uu maagganyahay oo maankiisa waafaqsan ayay wax u dhici waayeen ma aha dowladnimo e waa dikteetarnimo, doqonnimo, iyo dullinimo aan caffis lahayn.

  3. Hogaamiyaha aan talin karin ee loo taliyaha ah
    Mr , xassan sh

    waxaa lagu wareejiyay sirta dalka iyo warqado maskaxdiisa aysan qaadi karin
    wuxuuna sheegay in uu ubaahan yahay waqti uu kula tashto cidii U TALIN jirtay si Somalia horumarkeeda loo curyaamiyo
    Waxaa kamid ah
    1, plog yadii shidaal ee Soomaaliya in aan la soo saarin meeshiidina loogu tago si umada somali ay baahi uga bixin iyo
    si loo fuliyo danaha UAE IYO KENYA iyo kuwa kale oo cadow ku ah horumarka Somalia .

    2, waxaan idiin soo gud bin doonaa dhawaan qorshaha guracan ee ay u maleegayaan caddowga umada Somaliyed .

    • Alla Hadal macaanaa dhamaantood marka kala guurka kadibna hadal qaraar badanaa! Aniga cilmiqayba waa iga xijaabanyahay laakiin ficil qowlka lisaanka waxaa ii muuqata Xasan Shiikh waa un Xasan Shiikhii shalay.Rajada kaliya waxaa weeye in dhamaan aan toosh la daba socono siyaasiinta marwalbo iyo meelwalbo.

  4. kaalay afrta seefood dahabka faemajo wareejeyay moriyaanta maxaa looga qariwaayay xasan waagiisi seef mawareejin seefahaan wixii cawa kadameeya kuma taqaan la

Comments are closed.