DAAWO: Xildhibaan Shub “Ninkii Laftagareen soo aada waan la dagaalamaynaa”

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Gen. Shub), oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Gen. Shub oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, ayaa xusay in ciddii doonaysa inay ka saarto meesha Madaxweyne Laftagareen laga rabo inay sugaan waqtiga uu dhamaado muddo-xileedkiisu, balse ay ka xigaan dagaal in la isku dayo in hadda la eryo.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kamid ahaa saaxiibada dhow ee Madaxweynihii hore ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadda qaba walaac xooggan oo ku aadan in uu bartilmaameed u noqdo siyaasiyiin xulafo dhow la ah Madaxweynaha xafiiska la wareegay axaddii Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo doonaya in Laftagareen meesha laga saaro.

Xildhibaan Mahad Shub oo horey u ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS, ayaa ka digay in haddii la isku dayo in meesha laga tuuro Cabdicasiis Laftagareen uu burbur ku imaan karo maamulka Koonfur Galbeed, loona laabto meeshii shalay laga yimid.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa Wasiiro, Xildhibaano uu kamid yahay Guddoomiyihii Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo saraakiil Ciidan ka dhigay Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaana xubnaha diidan maamulkiisa ay ku doodayaan in muddo-xileedkiisu ku egyahay bisha December, ee sannadkan 2022, halka saaxiibada taageersan ku andacoonayaan in muddo-xileedkiisu dhamaanayo December, 2023, maadama hal sano oo muddo kordhin ah ay u sameeyeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Ayaamahaan waxaad moo daa in wariyaha puntlandtimes.ca uu ka dhac san yahay siyaasada Somalia

    Lafta gareen waxaa la doortay 2019 December wuxuu dhacayaa 4 sano ka dib oo ku eg 2023
    hadii loogu daro 1ka sano ee barlamaanka u ansixiyeen lafta gareen wuxuu ku ag yahay 2024
    Ee waxa la isku haysto hada waa in motion laga keeno lafta gareen oo aan waqtigiisa aan la gaarin 2023 December
    si koonfur galbeed loogu abuuro qalalaase siyasadeed si lafta gareen uusan waqtigiisa nabad ugu dhamaysan
    Hadaba arinku waa dad kursi doon ah.

  2. Ama Fad ama ha Fadin, waa lagu fadsiin, yaa wax ku weydiinaya, maadaa dagaalami kara, waxaa kuu soo socda Roobow, xabashi miyaa futada ka galay, meel ku celinaysa ma leh, kafantaada iska tolo.

  3. @@Cabdala
    Fad ama Haa fadin ama villada kasoo bax farmaajo ayaa wax looga qaadi waayay oo weliba 4tiisa sano ayuu ku darsad 1sano iyo badh oo bilaa ixsaan ah 🤣
    Ee reer koonfur galbeed Haa dulqaateen 18 bilood ayaa u hartay lafta gareen
    Oo sharci ah
    Iyo weliba 1sano oo extension ah kkkkk
    Lafta gareen wuxuu ku baxayaa oo keliya doorasho oo waqtigeeda dhacda oo ku beegan 2023 December
    Ama 2024 December oo extension ah hadiiba u suurta gasho kkkkk

    • Bile Somali waa istaqaan mooyi inaad dhalatay after 1991. Taariikhda been ma sheegto mana baqato. Lafta Gareen meeshii Fahad oo mulkiilihiina ahaa maray buu maraya duhur cad baa kursigiisa laga wareejay adio leh madaxtooyo ayaan fadhiyey. Madeira waa la ceyrshay Muqdishu kuma soo laaban. 16 Xildhibaan Garbahaaray waa la ceyrshay deero deero uma herdiyin. Farmaajo xoogiisa muu Villada ku joogay baad u qabtaa? Caqliga CBB waa ka suurtowda. Adeer dalka ayaa loo turayey 3 Saacadood ma qaadateen bixintiisa qofkii caqli leh waa ogyahay Somali waa ogtahay adduunka waa ogyahay. Laftagareen. Qoor qoor iyo boqolaal kale ayaamahooda waa tiran yihiin. Meeshan faanka iyo beenta CBB loogama baahna ciyaartii waa socotaa

Comments are closed.