DAAWO+SAWIRRO: Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh ula wareegay Villa Soomaaliya ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey walaalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynihii sagaalaad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Waxaan bogag hore kusoo arkay labo arrimood; duqii Barre ahaa oo waxa uu Majerteen iskayeelyeelaba qummaati u abtirsaday, iyo odayada USC oo kuhadaaqaya hawraar waaqiciga dhabta ah aad uga baxsan sidoodii.

    Inteennan halkan ku xiran nagumajiro nin arrimaha siyaasaadda Soomaaliya, dowladnimadeeda, iyo weliba Xamar iyo Koonfurta uuga dhuundaloola oo ugana xog-ogaalsan saaxiibkeen A.A.Xade. Wuxuuna dadka kale siidheeryahay in waxa uu sheegayo been iyo ka-bad-badis kunaashnaashin e sida ay tahay hadalka u dhigo. Waxa uu ina Xade sheego waa run iyo wax jira.

    Marka aan usoo noqdo hawraarta nasiibka daran ee ay odayada USC fiirli’ida iskasoso ganaan, waxaan xusuusinayaa oo keliya saddex arrimood oo ah waaqiciga dhabta ah ee dalka ka jira:

    1) In dalka Daaroodku huwiyeen nidaam federaali ah oo macnuhu yahay in awooddu hadda shacabka geyi kasta kudhaqan iyo dowladdiisa gacmaha uugujiraan, sidaas aawadeedna Hawiye kasta oo uu yahayba aanu madaxweyne Xamar barriiqan kudhici karin inuu ugasoo dowladeeyo amase ugasoo ku-amarkutaagleeyo – Xassan Sheekh iyo midkaleba.

    2) In haddii ay maxkamadeyn iyo sheekadaas xaajadu gaadho bayaan u caddahay inay baarlamaanka Soomaaliya dhoobanyihiin oo laguna biilo odayaal gacankudhiigleyaashii USC katirsan oo iyagu yihiin kuwa uqalma in Shareecada iyo Sharciga la mariyo oo maxkamadaha caalamkana malafyadu ka yaallaan. Waxaa xiga inta USC ku abtirsata ee daaraha Xamar xaaraanta ku haysta teer iyo qabtii.

    3) In beelaha kale ee ay “Irir Samaaluhu” yassaan oo sooxaqirayeen oodwadaag layihiin beelaha Daarood oo ay aad ujecelyihiin, gabboodsadaan, raallina kuyihiin inay waxwalba lawadaagaan. Marka beelahaas iyo Daaroodka la isku darona, ay kufadhiyaan dalka 80%-kiisa iyo degellada barri iyo baxarba uugu istraatijisan oo waxsoosaarka qarankana laf-dhabarka u ah.

    Sidaas aawadeed, Daaroodka aydin kudhegahadashaan iyo degaannadooda ayaa dalkan u ah tiirarka uu ku dul qotomo – siyaasad ahaan, waxsoosaar ahaan, iyo dhaqaale ahaan intaba. Ninka Villa Xalane barriiqan haddii ay Daaroodku qoonsadaan waa layaqaannaa sida uu ku dambeyn doono – Xassan Sheekhna xaqiiqadan wuu fahamsanyahay.

    Daaroodku iyaga oo maanta dalka sikasta ugu tunweyn oo uguna tanweyn ayay haddana Qarannimo Soomaaliyeed kaxigeen oo dadaalka ugu xoogganna usoomareen sidii loo qotomin lahaa. Haddaba, odayadiinnan USC waa inaydin garataan in hadalxumadu nabadda kaafogayso oo colaadna wax kaagatarin.

    Labadan SNM ah ee khayaalka “Irirnimo” idiin ku sacabbatumayana waxba idiin masoo kordhin doonaan haddii ay Xamar dhabaqdo e lasocda, waayo iyaga ayaaba ah tuke geed uu ku dego la’. Soomaalinimadu ha idin deeqdo.

Comments are closed.