DEG-DEG: Siciid Deni oo hoggaaminaya wareega 1-aad ee doorashada

Waxaa soo gaba-gaboobay wareega 1-aad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JF Soomaaliya. Waxaana hoggaaminaya Madaxweynaha Puntland ahna Musharrax Madaxweynaha DFS Siciid Cabdullaahi Deni.

Natiijada hordhaca ah wareega Koowaad Afarta Musharax ee ugu Codadka Badan ayaa kala helay:

1:Siciid Cabdilaahi Deni 65
2:Maxamed Cabdilaahi Farmaajo 61
3:Xasan shiikh Maxamuud 52
4: Xasan Cali Khayre 48
5: Shariif Sheekh Axmed 38

PUNTLAND TIMES 

37 Comments

  1. Guul guul guul , hoggaamiye Siciid Abdilllaahi Deni, hambalyo from Berbera, Somaliland, halyeey baad tahay, adiga iyo Rooble taariikhda ayaad gasheen, go go brother all the way,CBB iyo guntii ku daba socotay ee Daarood yaryar meesha waa ka baxeen, haddaan Somaliland dhab ah nahay dhashii Shiikh Isaxaaq, adeer soo dhowow, waligayo gun dambe raaci mayno, col iyo nabadba waa is naqaan, Alleylehe Farmaajo beenaale, dhulka hala jiido,

    • Nacas daaman weyn
      Naga aamus
      Ciyaari waa gelin dambee
      Waligaa rag hortii ha cararin,dagaal bilowgiina guul ha sheegan.

      Midda ugu daran hana sheegan ee ciddaada Ku kalsoonow

      Codadka Hawiye 138
      Ha isu tanaasulaan si aanay ugu dhicin wixii 2017 Ku dhacay ee shan sano ay ka cabaadayeen.

      • Siil Lax, xataa haddii laga guulaysto Xaafidullah Dani, Waxaan ku faraxsanahay saacaddan aan joogto in uu asagu hoggaaminayo. CBB beentoodu Xaamaajo cod u noqon mayso. Midna ku bishaarayso Dani waa Madaxweynaha Somalia laga bilaabo caawa saqda dhexe.

        • Ceeb qli
          Waa Ku sidee canbarkaaga miyaad kaga hadli fagaarahan?
          Aakhir Zamaan.com
          Gilahan waa gole rag isaga bax,xaawalayna siyaasad waa Ku waalan xiniinyoolihii baa Ku cirroobaye kkkk

    • Kkkkkk deni xoolihii uu ka soo xaday puntland ee uu ku baa ba,shay xamar
      2 iyo 0 ayaa la soo diray
      Ee odayga deni maxkamad haa la saaro kkkkkk

    • BREAKING NEWS

      Kkkkkk deni xoolihii uu ka soo xaday puntland ee uu ku baa ba,shay xamar
      2 iyo 0 ayaa la soo diray
      Ee odayga deni maxkamad haa la saaro kkkkkk

  2. Mustaf

    Daaroodkaad yaryare ku sheegtay hoos baad ka xigtaa. Iidoor wagaashe

    • Farmaajo sanad hore wuxuu galay wareegii 1aad
      kaalinta labaad isagoo helay 75 cod looguna hogaaminaayay 108 uu watay xassan sh maxmuud
      Waxaana wareegii labaad Farmaajo helsy 180 cod hadaba ciyaarta waa sidii shalay kkkk

      • Hadda ma’aha 2017 ee waa 2022. Geel Majeerteen dhacay Mariixaan kama soo celin karo ee naftaada been ha ku qancin.

    • Wallaalan uga xigin, gobta Somali inaan nahay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa baa og, 5ta SOMALIYEED baa og, Kabalax baa og, Hawiye baa og, waxaad doonto ku hadal, guntu Somalia meel kuma laha, waana dulsaar waligood, anigu SNM bana ahay, SSDF, USC iyo SPM waa oggolahay, adeer ma Somali kale baajirta, oo wax iska dhicin karta, kuwiina Jamhuuriyadda kusoo dhuunta ee waddaniga beenta iska dhiga waa idiin dhammaatay,

  3. Farxad waxaa ah in Munaafiqii Shariif Haray. Afar wajiile ayuu ahaa. One bad Apple is out.

  4. Waa wax lasugayay oo la saadaalinayay guusha Dr Saciid Cabdullahi Dani. Hambalyo hordhac ah ayaan u dirin

    • BREAKING NEWS

      Kkkkkk deni xoolihii uu ka soo xaday puntland ee uu ku baa ba,shay xamar
      2 iyo 0 ayaa la soo diray
      Ee odayga deni maxkamad haa la saaro kkkkkk

  5. Caalamka oo idil, waxaa madaxda iyo shucuubtooda fashilmay lagu gartaa astaantoo muhiim ah, taas oo ah inay fashilkooda wadareed u sameystaan qiilal jaban oo raadgadasho ah iyo cidkale oo loogu aaneeyo oo laguna eedeeyo waxa ay iyagu geysteen (scapegoatism).

    Haddii Farmaajo iyo Xamarba Puntland xuquuq ay lahayd ka afqabteen, waxaa eeddaas iyo ceebtaasba toos u xambaarsan madaxweyneyaasheedii Cabdullaahi Yuusuf ka dambeeyay – gaar ahaanna Cabdul-Wali Gaas iyo Saciid Dani.

    Sababtuna waa tan: Puntland iyada ayaa calfatay mansabka iyo maqaamka sare ee ay Soomaaliyada cusub ee haddeer bilanaysa u noqoto rugta dib looga soo askumay. Min waagii shirarkii Garoowe I iyo Garoowe II ee heerkan dalka kusoosimay, Puntland baa dalka caasimad u ahayd oo caalamkuna kusoohiranayay oo talada ka qaadanayay. Caaddaas ayay maraysay oo dalkana ugu madax-taagnayd. Waxaase Xamar uhoosaasiyay oo sixnna u gabay oo u dayacay labadaas madaxwyene.

  6. Sidaas ajligeed, islooganeyntiisa iyo ballanqaadyadiisa madaxnimada qaranka ku aaddan giddigoodu waa wada khali iyo khayaal uu isagu iskadhaadhiciyay. Godobbadii iyo utumihii uu Puntland kasoo galay ayaa weli qoyan oo aanu katoobadkeenin. Nin buulkiisii soo dumiyay yaa daar ku aaminaya?

    Annagu haddii aannu reer Puntland nahay, waxaa waxwalba inooga sokeeya oo noogu muhiimsan in lahelo hoggaan hayin ah oo dhalad ah ee hiraalka Puntlandnimo ee dhabta ah maanka iyo laabtaba kaga mudanyihiin oo iyadana xoogga iyo xiniinyaha duldhigi doona – sikasta oo ay Xamar ku dambeysaba. Waxa aannu baahida xun u qabnaa waa hoggaan mufakir iyo tawri ah ee Puntland maqaamkeedii iyo martabaddeedii ay mudnayd kusima; ma rabno maangaab kale oo Xamar uhanqalloocsaday oo Puntland uhoosaasiya sidii kuwii kahorreeyay.

  7. Haddii Farmaajo iyo Xamarba Puntland xuquuq ay lahayd ka afqabteen, waxaa eeddaas iyo ceebtaasba toos u xambaarsan Cabdul-Wali Gaas iyo Saciid Dani.

    Caalamka oo idil, waxaa madaxda iyo shucuubtooda fashilmay lagu gartaa astaantoo muhiim ah, taas oo ah inay fashilkooda wadareed u sameystaan qiilal jaban oo raadgadasho ah iyo cidkale oo loogu aaneeyo oo laguna eedeeyo waxa ay iyagu geysteen (scapegoatism).

    Xamarna haddii ay noqotay caasimad “doorasho” madaxnimo loogu kala aargudanayo, haddee ma aha caasimad shacabweynaha matalaysa e waa garoon siyaasadeed oo ay qawsaarro aan dalka iyo dadkaba dan kalahayn ku legdamayaan.

    • Awlal,
      Hadalkaaga dulucdiisu waa Dani ayaan nebcahay. MJ waa u dhaqan in halyeygii ka dhasha oo han iyo qab leh ay liga qabtaan oo burush xaar ah mariyaan.

      • BREAKING NEWS

        Kkkkkk deni xoolihii uu ka soo xaday puntland ee uu ku baa ba,shay xamar
        2 iyo 0 ayaa la soo diray
        Ee odayga deni maxkamad haa la saaro kkkkkk

  8. @awlal
    yan lagaa garan MUNAAFAQ BAADIDA NIN BA KULA DYDAYI DAALNA ….
    CARRY ON DENI

  9. Anukaa wadana, anukaa wadana, annagaa wadana!

    Yaa is gaaray, weli qaybtii lamaadba looma gudbine. Deni waxa uu lamidyahay kuwa orodka dheer markiiba ugu hormara, ee iska sii carara, marka wareegga ugu danbeeya lamarayana siigada lagu qaso. Anaase jac la maagane ii aammusa. Wax baan idiin ogahay.

    Marka “kaftanka” laga yimaaddo, 4ta ninba aad bay isugu dhow yihiin. Waxaana go’aamindoona codadka kooxda hadhay & sida ay uyaku isu fahmaan oo ay isugu shubaan. Marka, wax la saadaalinkaro ma aha, tii allayna tegi. Iyada oo ay taasi jidho, haddana waa lagama maarmaan in la falanqeeyo.

    Haddaba, waxa aniga ii muuqda in ay meesha ka baxeen murashax Farmaajo & murashax Deni, marka la eego coddadka kooxda la reebay & saansaanta meesha taalla. Waxayna aniga iigu muuqataa in Kheyre & Xasan uu mid soo bixidoono, qofkii neceb & kii jecelba.

    Gunaanadkii, marka aad eegto dadka horboodaya madaxtinimadeeda & kuwa guddoonka baarlamaanka loogu xushay, jamhuuriyaddii Soomaaliya rajadeedu waxa ay sii galaysaa mugdi.

  10. @Gantaal3105,

    Baadida kii baylihiyay ee haddana iskaga kaa dhigaya inuu kula daydayayo in la foojingaado waa waajib diini ah.

    Caaqil iyo cawaan isku si wax uma dheehdaan oo uma dhugtaan e adigu bustaha uu Dani kuhuwiyay ha iska kaa saarnaado.

    • BREAKING NEWS

      Kkkkkk deni xoolihii uu ka soo xaday puntland ee uu ku baa ba,shay xamar
      2 iyo 0 ayaa la soo diray
      Ee odayga deni maxkamad haa la saaro kkkkkk

  11. Abdirahman Faroole oo macagagnimadii goobta Afisyoone hablihii la tirsanaayo. Waa cimri khariban. Xitaa hadii magaciisa la khaldo waxay ahayd in qoslo ka gudbo. Wareegii 1aad magaciisa iyo title waa laga khalday laakiin Wareegii 2aad sax buu ahaa laakiin wali wuu dagaalamay. He is demented and confused.

  12. Bismilaahi Raxmaani Raxiim

    Waxaan dhamaan ummada Soomaaliyeed uga hanbalyaynayaa sida dulqaadka leh ee ay fursad u siinayaan inay doortaan qof dhab ahaantii ay filayaan in uu noqdo mid ka duwan waayo arragnimaday Soo mareen, oo u danqanaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku taamayey inay mar nidaamka wada qanciya oo ku dhisan Shareecada Islaamka,tix galiya dhaqankooda gaarka ah, Lana jaanqaada hiigsiga dunidan ka jira helaan, si wada jir ah, si Siman oo cadaalad iyo islaanimo ku dheehan.

    Sidoo kale waxaan dhalinta Soomaaliyeed uga hanbalyayn maalinta dhalinta aduunka.
    Dhalinta madax banaanida iyo dowlad nimada Soomaaliya haysato u horseeday Allaha u naxariisto dhamaan, ma lahayn aqoonta aad maanta leedihiin iyo horumarkaaga casriga ee maanta aad haysatana, laakiin sida taariikhdu xusto waxay lahaydeen niyad San iyo wada jir, dalkooda diintooda iyo dantooda ay dhowrayaan. ILLAAHAY waa ku guulaysiiyey Alxamdulilaah Rabil Caalamiin, Marka dhalinta Soomaaliyeed waxaan ILLAAHAY uga Baryin in ay midoobaan oo aysan Marna Dan kale eegin ee danta guud ee qarankooda iyo aayahooda eegtaan taasoo Lagu gaari karo ALa ka cabsi, Illaalinta nidaamka bulshada ku wada nooshahay,ixtiraamka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dulqaadka aad u balaaran iyo inay ku mashquulaan hiigsiga horumarkaaga aduunka ka jira xag waxbarasho iyo xag nolol ee ay iska dhowraan ku mashquulina siyaada qabaliga ah ,ee haday noqoto siyaasada inay ku hawshoodayna ay eegtaan bal markaan mid xisbi ku dhisan oo u horseedi karta doorasho qof iyo cod ah oo dhamaan isirka Soomaaliyeed u Siman yahay.”DALKA SOOMAALI BAA LEH DADKUNA WAA SOOMAALI”
    Wax tar uga dhig Soomaaliya iyo SOOMAALI inaad ka gaabsato dhaliishooda oo amaantooda baddiso in Allaah Subxaahanu watacaalaa ka Soo dhex saaro mid Illaahay ka baqa oo dalka iyo dadka si dhab ah ugu danqada oo Kitaabka ILLAAHAY run ugu dhaarta ummada Soomaaliyeed a u ducayso Illaahayna ka raali noqdo.

    U hiili Soomaaliya U hiili Soomaaliya

    Ka Gaabsato xumaan u tartan wanaag waxaa laga YAABA inaad adigu mar noqoto Madaxweyna Soomaaliya!
    Dalkeena iyo dadkeena Allaha Xafido dhamaan

  13. BREAKING NEWS

    Kkkkkk deni xoolihii uu ka soo xaday puntland ee uu ku baa ba,shay xamar
    2 iyo 0 ayaa la soo diray
    Ee odayga deni maxkamad haa la saaro kkkkkk

  14. DENI WUU HARAY,CIIDUU AFKA GASHTAY. LACAGTII PUNTLAND UU MOGADISHU LA AADAY ISAGOON SOO CELININ YUUSAN PUNTLAND KU SOO NOQON. shacab ahaan ha u imaado PUNTLAND ilaa waa dhulkiisii hooyo. Khaan PUNTLAND ayuu qabaa.

  15. Jug jug meeshaada joog
    Mid kastaba oo yimaada waa kala taagnaan,dawlad mashruuc ah,ciidan la’aan.
    Deni muxuu bedeli karaa Xamar qura intaan meel kaleba la gaarin.
    Haduu guuleysto sidii Farmaajo uun baa loo rifi.

  16. @Ugbaad Xirsi,

    Ina adeer, Majeerteen indhawaaleba talaxumo ba’an ayaa kuhabsatay oo maantana meel xun dhigtay. Majeerteenka hankii lagalahaa iyo heerka ay Soomaalidu kutuhmaysay sixun ayay uga hoosdhaceen. Reero ahaan iyo degaannadooda ayay isu kala qoqobeen oo siyaasaddii iyo xataa maalgashigii iskugu ximiyeen oo ku kala faquuqmeen, natiijaxumadeediina waxay noqotay inay kooda uguliita hoggaan kayeeshaan.

    Bal yaa maanta nimanka madaxdnimada federaalka uhalgamaya kayeela Cali Xaaji Warsame, Cabdi Faarax Juxa, iyo haldoorrada kale ee iska gaabsaday! Aniga ayaa koow ka ahaan lahaa dadka sida xooggan ugu ol’oleynaya.

    Haddaba ina adeer, anigu cidna lugta kuma dheggani e haldoor iyo halyey aan taageero ayaan meesha kawaayay. Saciid Dani madaxnimada federaalka ayuusanba uqalmin, macadallah madaxnimada Puntland.

  17. Masiirka Majeerteen waxaa si xowli ah majaraha u hagayaa kuwa liito sidaa darteed badal degdeg ah iyo in raadiyo hogaamiye dhiig iyo maskaxdii Majeerteen la heelaa weeye. Waa in research dheer la sameeyo si loo salgaaro maxaa inagga khaldamay
    Tbc.

  18. Waagaan yaraa waxaan arki jiray gabdhaha xaafadoo markay diriraan is shakhsiyad caaya, naa tiiyeey naa keerey naa kaneey.
    Waxaa bara dheereeyey ragiiyo markay rabaan inay wax dhaliilaan caytamay sidii dhoocilhii waxaad arki ama maqli nin qoraya ama leh dani macal weyne dani zanzibaar dani calooley, maxaa khaldamay ma ragii soomaaliyeed ayaa maskax goror ku dhacay? Mise anaa old fashion ah oo waa dhaqanka jiilka cusub ayaa iska saana?

Comments are closed.