Alle ha u naxariistee Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa goor-dhaweyd ku geeriyooday dalka Hindiya.
Marxuum Maxamed Xareed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay dalka Hindiya, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad.
AUN Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed ayaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa cadaalad u raadinta Caa’isho Ilyaas Aadan, oo aheyd gabar yar oo kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, horaantii sanadkii 2019kii. Waxaana dadaal dheer uu sameeyay kaddib suuragashay in ka toogto 2 kamid ah dambiilayaashii ka dambeeyay kiiskeeda.
PUNTLAND TIMES
SALAAMU CALEEKUM
Halyeey buu ahaa, ka dhintay dhamaan Ummadda SOOMAALIYEED, gaar ahaan shacabka PUNTLAND.
Wallee PUNTLAND nin baa ka dhintay…. saaxibo caddaallah. Qooyskii ay ka dhimatay CAASHO ILYAAS baa se gaar ah u xasuusanayaa..
انا للعه وانا اليه راجعون
انا للعه وانا اليه راجعون
Akhyaar caddaaladda difaaca ayuu ahaa. Kollay jasadiisa Ilaahay (SWT) ayaa usii diyaariyay oo qiyaasteedana og. Duco aannu leennahay waxba kuma kordhinayso darajada uu Rabbi ku galladi doono, laakiin wanaaggiisa markhaati ayaannu Rabbi ugunahay.
ALLAHA u naxariisto amiin amiin
Illaahay how naxariisto wuxuu ahaa qof ku adag sharciga oo shaqadiisa yaqaanay. Wuxuu caddaalad u helay Asha Yar oo kiiskeedu Somali wada taabtay. Allah jannada haku geeyo. Somali kan oo kale looma deynayo qashin baa laysu soo reebayaa.
Alah raxmu.