DEG-DEG+AKHRISO: Musharrax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka haray Tartanka doorashada

Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ku dhawaaqay in uu isaga haray Tartanka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu wado in berri oo axad uu ka dhaco caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Daahir Geelle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa ugu baaqay Xildhibaanada labada Gole ee BJFS inay dalka u dooraan Madaxweyne wanaagsan.

Hoos ka Akhriso qoraalka Daahir Maxamuud Geelle.

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha ololahayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Markii horeba Daahir Geelle u jeedkiisa wuxuu ahaa quraac,qado,casho iyo jiif bilaash ah in u kunoolaado.What a freeloader!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*