Hoggaamiyaha Tigray-ga oo farriin u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh “Kalsooni baan ku qabnaa..”

Hoggaamiyaha Tigray-ga dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael, ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay mar kale la doortay.

Waraaq kasoo baxday Madaxweyne Debretsion Gebremichael ayaa lagu sheegay in ay kalsooni ku qabaan hoggaanka cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin in iskaashi dhanka amniga gobolka ah ay la yeeleen doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Madaxweynihii falaagoobey Debretsion Gebremichael ee tigray in maanta ay warqad usoo diraan Hassan sheekh maxmuud waxay ku tusin
    1,in Hassan sheekh la hayste ku ahaa villa somali una ahaa general gabre welina si dadban la haysto u yahay iyaga

    Lakiin illah mahadii waxaa gabre ka saaray villa Somali mudane farmaajo
    2,nin falaago ka ah waddankiisa in warqad usoo diro dowlad iyo madaxweyne madaxbanaan uu ku amro in ay wadda shaqeeyn yeeshaan madaxweynaha Somalia iyagoo falaago ah
    Waxaa loo fasiri karaa

    “Iam still your master and you are my slave” so you are my under control

    3, in kenya ay madfac dabaaldag ah rido nin somali ah waddankiisa ay bad ka haysato
    Waxay ku tusin in ninkaas uu yahay nin maqaarsaar ee iyaga danahoo ku fushadaan

    4, waxaa la filayaa kenya in khaadka loo fasaxo iyadoo laga heshiinin sababtii marka hore loogu joojiyay oo ah in ay aqbasho qaraarkii ka soo baxay maxkamadii ICJ
    5, waxaa u muuqda reer baahane in ay khaadka soo celiyaa oo keliya si ay macaash badan u helaan reer Hassan sheekh iyo rooble

Comments are closed.