Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta oo geeriyooday

Madaxweynihii dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa geeriyooday, sida ay goordhow shaacisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM.

Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

“Wasaaradda Arrimaha Madaxtooyada waxay shacabka Imaaraadka Carabta iyo Dunida Islaamka uga tacsiyeyneysaa geeriday Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan oo geeriyooday Jimce 13-ka May,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wakaaladda WAM.

Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo kale ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah toddabada Imaaradood ee dalkaas uu ka kooban yahay.

Sida uu dhigayo dastuurka, madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum oo xukuma Imaaradda Dubai ayaa sii hayn doona xilka madaxweynaha illaa inta ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku kulmayaan golaha faderaalka oo ka kooban madaxda toddobada Imaaradood, si ay u doortaan madaxweyne cusub.

Khalifa waxa uu dhashay 1948-kii, wuxuuna xukunka Imaaradda Abu Dhabi iyo tan madaxweynaha dalka qabtay 2004. Waxaa xukunka Abu Dhabi kala wareegi doono ku-xigeenkiisa, ahna walaalkiisa ay isku aabaha yihiin Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Mohammed bin Zayed ayaa ahaa hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta tan iyo markii Khalifa uu ku dhacay cudurka faaliga ama stroke 2014.

AFP/REUTERS/VOA 

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Waa Mahad Ilaahay iyo Galladdii inuu mujrimkaas Ummadda Islaamka kadhex siibay oo kaqabtay!

    Sahyuuniyiintii uu dadada kadhuunkanayay tolow iilka miyay kulahooyanayaan xisaabta aakhiro qareenno ugu noqonayaan – sida London iyo New York?

    Malcuun aan laga malcuunsanayn!

  2. Baruurtii Geela iyo dhuxushii Soomaaliyeed marna uu liqayaye marna shiishada lagu dhuuqayay ayaa Stroke ku ridday.Waxay maalgaliyaan clandestine wars. Waxay macluul iyo xasuuq u gaysteen Shacabkii Yemen. One Xaasid out.

    • Mayd canaante ma noqon Karo lkn duco nagama kasban RAXMAANKAA meeshuu ugu tala galay geeyey Cadaab iyo Janno kay tahayba

      Kuma farxin kamana nixin geeridiisa waayo geed kastaa dheecaankiisuu dhalaa keesh weynihii uu dhalay oo yuhuuda dabada dhilifka u ahaa baa joogain kastoo nin Suuriyaan ahi igu yiri iyaguba waa yubuud lkn ALLAAH baa og

  3. Mayd wax lagama sheego lakiin waxaa xaqiiqo ah “BINZAID FAMILY IYO AALASAUD FAMILY” inayyan aheyn Muslimin ama Arab asal ah “Dadka qaar baa yiraah waxay ahaayeen Homeless tuugsan jiray xiligii dowladii Islamka cid wax ay yihin cadeyn karta ma jirto” Balse waxaa xaqiiqo ah inay yihiin MUJRIMIN aan Islam aheyn Waliba Reer BIN SAUD sida ay Yemen 🇾🇪 u bur butiyeen iyakoo xuutiyiinta Siyaasad iyo lacag ku bur burin kara ayyey Chance siiyeen oo dalkii oo dhana ku tijaabiyeen hubkii lacagtii GAASTA insha Alaah GAASTA Mardhow dunida waa laga soo afjarayaa oo Solar, Electric cars, iyo hybrid baa lagu bedelin ileen Alaah isagaa caadil ahe waa ku kufriyeen oo ku kibreen barwaaqadaas umadii ISLAM kana waa ku dhibaateeyeen mana astaahilaan “INAY XARAMEYNKA MASUUL KA NOQDAAN”SAUDI WAA CADOWGA DUNIDA ISLAM KA IYAGA IYO EMARATES KHAASTAN REER BINZAID FALLACNATULLAHI JAHANAMA IS WAITING FOR THEM GUARANTEED MUJRIM KAAN BAKHTIYEY WAX KA SHEEGI MEYNO OO HADA WUU DHADHAMIN WUXUU KASBADAY AMA UU SHAQEYSTAY.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*