Maxay Farmaajo iyo Deni, ka yiraahdeen geerida Madaxweynihii Imaaraadka?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah uga diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaas, Mudane Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.

“Mudane Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isaga oo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta, oo maanta geeriyooday.

“Waxaan uga tacsiyeeynaya Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, geerida alle ha u naxariistee Madaxweynihii dalkaasi Shiikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo geeriyoday maanta.

Wuxuu ahaa hoggaamiye door muhim ah ku leh wadamada Islaamka iyo guud ahaan wadamada Adduunka, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday, marxuumka waxaan alle uga baryaya inuu janadii geeyo.

Aamiin,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland , Sidiid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND TIMES 

10 Comments

  1. Qolooyinka “Ahlul Kitaabka” diintu kutilmaantay ayuu Rabbi (SWT) meelo badan oo Qur’aankiisa Kariimka ah kaga canaantay sheegashadooda aan aasaaska lahayn ee ah inay iyagu Ilaahay (SWT) bina aadamka kale kaxigaan oo kagana dhowyihiin.

    Waxaana ugu daran kuwa masiixiga ah oo waxa ay awaamiirtii Kutubtii hore ee ay weli taabacsanyihiin jilciyaan oo marba fasiraadyo shahawaadka naftooda ujanjeera kumaldahdaanba aakhirkii ku dambeeyay inay Ilaahay u ekaysiistaan “aabbe” iyaga “dhalay” oo ay kasugayaan inuu waxwalba ufuliyo.

    Marka ay musiibo haleeshaba waxay kucanaantaan “xaggeed jirtay markii ay tani igudhacaysay?!”, marka uu qof kadhintana sida aad mooddo inay amrayaan ayay dhahaan “Jannada gee oo ugu raaxee”. Marka ay liwaadka caadeysanayaan oo qowmuluudkana “wadaaddada” kadhiganayaanna waxay qiil kayeeshaan “God is love” – calaashaan “He shouldn’t mind us bending and breaking His Divine Law and serving our desires as we wish”.

    Hadda, dhaqan kaas lasiman ayaan Soomaalida ku arkay marka ay maqlaan qof baa dhintay. Haddii uu mu’min ahaa iyo haddii uu mujrim ahaaba “Allaha unaxariisto” iyo “jannadii ha kawaraabiyo” ayay iska oranayaan. Bal ma iyagaa naxariistiisa iyo Jannadiisaba udhiibtay oo laleh?

    Jannada Rabbi iyo raxmaddiisaba dheeldheel iyo dhayal midna lagu mahelo. Addoonka la oofsaday wixii uu qaddimtay ayuu ama naxariista Eebbe iyo Jannadiisa ku kasbanayaa amase kuseegayaa. Addoonka xunna in naxariista iyo Jannada Rabbi loogu duceeyo ma bannaana waayo caddaaladda Ilaahay ayay meelkadhac ku noqonaysaa.

    • Warya ustaadka afka uraya ka leexi daanyeer waaxid. Waxa la inii sheego qaata yaa xayawaan kkkkk.

  2. Awlal
    Aan kaa qornee
    Hadiiba ay dhacdo inaad naga hormarto
    Rabbi naxariistiisa yaan leeyweeydiin
    Jano iyo naar kuu asagu rabo ha igashee miyaad leedahay
    Mise miskiinkaas danbiilaha baatahaye
    Rabbi baan kuu soo barinaa inaad ku daandaanshooto janatul fardoowsa
    Wax noo sheeg aan kaa qornee

  3. @@@Masuulsare,

    Waa su’aal qiima leh runtii, jawaabteeduna waa mid sahlan. Addoon kasta waxa uu qalbigiisa iyo jirkiisa kukasbaday ayay natiijada xisaabtiisa aakhirona ku dambeyn doontaa – kheyr mise shar. Duco kasta oo loo duceeyo waxba kama beddelayso natiijada waxa uu isagu qaddimtay.

    Sidaas ajligeed, kii aniga shakhsiyan ii duceeya iyo kii ihabaaraba wax farqi iyo saameyn ah kumayeelan doonto sida ay xisaabtayda aakhiro ku dambeyn doonto. Waxaase jirta in addoonka midkale niyad saafi ah ugu duceeya uu isagu ajar kukasbanayo, laakiin natiijada miizaanka iyo xukunka Rabbi waxba kama beddelayso.

    Taasna weeye caddaaladda Rabbaaniga ah: in addoon kasta sida miizaankiisu noqdo loogu abaalmariyo, iyada oo aanay cidkale ushafeecaqaadi karin – aan ka ahayn suubbane Rasuulka (SCW) iyo malaa’gita Alle.

    Caddaaladda Rabbaaniga ma waafaqayso inuu Rabbi addoon dulmi iyo dembiyo badan xambaarsan uga qalleeyo calaashaan addoomo isaga dunida kaga dambeeyay baa naxariis iyo Jannada uga baryay.

    Xikmadda kujirta in la isu duceeyo waxaa weeye inay walaalnimada Islaamnimo ee inagadhexeysa siixoojinayso oo quluubtana isusoo dummayso.

  4. Waxaan raacinayaa oo kale in waxa ay Soomaalidu “nabsiga” kusheegto aanu isaguna jirin e ay iyadu iska aamintay.

    Bil mathal: nin baa naag sixun ucaashaqaya oo ay iyaduna diidaysaa. Berri-ka-maalin bay ninkale guursanaysaa oo uu nin kuxun kusoo baxayaa. Soomaalidu waxay markiiba lasoo boodaysaa “nabsigii baa qabtay”. Macnuhu muxuu noqonayaa?

    Wuxuu noqonayaa in qoftaasu aysan xaq ulahayn inay ninka ay rabto raacdo oo ka aysan rabinna diiddo, halka ay diintu dhigayso inay xaqaas leedahay.

    Waxaa kasii daran in macnuhu noqonayo Rabbil Caalamiinka ayaa adoomaha ukalahiiliya oo addoonka la diiday kalasaftay addoonta diidday oo sidaas aawadeedna iyada addoon kale oo xun qoorta ugu geliyay si uu diidmadeeda ugu ciqaabo.

    Waxaa Soomaalida seeggan in addoon (lab iyo dhiddigba) jacayl mise guur laga diiday uu macnuhu yahay in aanu xukmanayn inay nolol iyo ubad wadaagaan, sidaas ajligeedna aysan caddaaladda Rabbaaniga waafaqsanaan karin inuu addoon u dhibaateeyo amar uu isagu qaddaray oo u xukmay.

  5. @Awlal kkkk ma islaheen shiikh weynaa tahay. Soomaali waa qurafaad socoto marka ruuxa waxyaalahey caadeesteen diinta quman ku buriyo wax waalaney u arkaan. Hees aan nafsi lugu xusin waa yarytahey adna waxaa dhahdey waxaas waa kakac kkkk.

  6. @@@Puntlander,

    Waad iga qoslisay runtii. Anigu waa kakac ma oran e Tawxiidka Islaamka ayaa sidaas dhigaya.

    Waadse kumahadsantahay doqonkaas aad iga canaanatay saaxiib. Ma doodi karaan oo caay iyo aflaggaadho ayay kuciilbaxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*