Musharraxiinta Madaxweynaha DFS oo la diray dalab deg-deg ah

Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Musharraxiinta Madaxweynaha inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha u tirin doona codadka doorashada, kahor 12:30 duhurnimo maanta.

Hoos ka Akhriso wargelinta Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha DFS.

OGAYSIIS MUHIIM AH:

Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda
FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.

Wixii faahfaahin ah kaga soo jawaaba nambarka guddiga ee farriintu idin kaga timid.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu nasiiyo madaxwayne dalka iyo diinta u fican ilaahayow noo hiili oo xaqa noo gi hiili ilaahow nagaqabo kan dalka gadanaya ilaahow xaqa u hiili insha waxaa sugaynaa madaxwayne aan qabiil dadka aan ku dhaqin oo daacad ah insha alaahu

  2. @Jaamac,

    Haddii aannu aamiinta kugu darsan lahaynna, ducadaasu inay mustaqbalka dambe dhabowdo mooyaane “doorashada” hadda dhacaysa waxba inaga matarayso xaqiiqdii, waayo kuwan sharraxan dhammaantood waa tuugo iyo qawsaarro xaaraan-quudato ah ee aan isdhaamin oo diinta ganna’ ka aqoon oo danna ka lahayn.

    Rajada keliya ee aynu filaynaa waa inuu Rabbi (SWT) qawsaarradan inoogaxulo kan uugu shar yar ee dalka iyo hantidiisana uugu halista yar. Midna Soomaalida waan ku baraarujinayaa: duceysi aanu camal kullamaannayn waxba mataro sidiisaba.

    Shacabweynaha ayuu waajibku ka saaranyahay inuu tawraddaas dhaliyo oo ficlanna ugu muujiyo siyaasiyiinta cilmaanisan, qabqableyaasha qabyaaladeed, iyo xagjirrada diinta kusafaaday in aanu boos uga bannaanayn masiirka siyaasadeed iyo nidaamka dowliga ee Soomaalida.

  3. Cid kasta oo kibirsaneeyd, ama faan la taagneeyd, cidii wax sugi la’eyd ama wax saluugsaneeyd, cidii is lahayd waa lagu qiyaamay ama waa lagaa kor-booday, kuwii ka yaabanaa sida wax u socdaan iyo kuwii la faraxsanaaba….

    WAA INOO BERRI

    Good luck to all

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*