Rooble oo u dhoofay Imaaraadka, & Xafiiskiisa oo ka hadlay bixinta lacagtii UAE

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Roble ayaa u amba-baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casuumaad uu ka helay Dowladda Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeybgalaya tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan, oo dhowaan geeriyooday, sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa gaarsiin doona Madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayed, hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale lagu sheegay in XFS ay maanta ku wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, taas oo garoonka diyaaradaha Muqdisho looga qabtay sanadkii 2018kii. Waxaana bishii Janaayo fasaxan lacagtan oo ku jirtay bangiga DFS Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala  hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.”

PUNTLAND TIMES 

10 Comments

  1. rooble waa shaqeeystay xagee buuraba dabqyoo ka dhisto baahi dame male baqdin iminka dahab sill la tartaan

  2. @@Barre,

    Saciid Dani waxba ma xukumo oo mana xukumi karo ee waxaad hadalka u dhigtaa sida saxsan ee ah in Puntland dalka thuluthkiisa kufadhida oo goobta ugu istraatijisanna calftay.

    Waxa Puntland maqaamkeedii iyo mansabkeediiba seejiyay waa khilaafka damaca waalan kusaleysan ee Majeerteenka kala faruuray oo tolweynahana sha’niga iyo shimbirka ka dilay.

    Majeerteenka weeye kuwa garan waayay fadliga ay xambaarsanyihiin oo taajkiina dhiiqada kucamcamiyay. Iska daa Majeerteenweyne e Maxamuud Saleebaankii baa maanta kala xaabo gurtay oo reer walba magaaladiisii cadkiisa ku dubanayaa.

    Dhabaq xun baa dhacay oo ay daruuri tahay in Majeerteenku inta hiraalkii asalka ahaa ee laga weecday dib u muraajacaan deeto layimaaddaan istraatijiyad cusub oo hayin ah ee Puntland lagu dhaq karo waxa haatan ka dambeeya.

    Musiibo aan Saciid Dani ahaynna Puntland mahayso waqtigan xaadirka ah. Waxayna Puntland qummaati ugu dhammaatay haddii uu dalka ra’iisal wasaare ka noqdo oo Imaaraatiyiinta afka ugurido.

  3. Saadaal

    Siyaasada Somalia waa mid jaha wareersanayd 30kii sano ee u dambeeyay.

    mudo aan ka badnayn bil waxa la saadaalinayaa in saciid dani ku wajahan yahay ETHIOPIA iyo waliba qatar, ka dib hungo baahsan oo ka haleeshay Emirateska iyo natiijadii doorashada…

  4. Calaamadaha Aakhiru Samaanka waa iyadoo talada umadda loo dhiibo kuwa ehelkeeda ahayn.

  5. @Awal

    Waa lagu yaqana marka aad hamigiinii iyo dantii aad laheydeen aad gaari weydan in aad Majerteen kula soo meereysatan Guuldaradiiba adoo marba jiho ka suureysanaya in Puntland dhib iyo jaah wareer ka jiro. War arinka hada madan soo bilaabin ee 2017 baa soo wadeey lkn rumoomi waayey.

    marka fuudka iyo hilibka Isla heystid waxaa oran jirteey Majerteen afka cag halaga galiyo oo Puntland halaga takhaliso.

    Wadankii dowlad baa heysteey taas oo aan waxba xeerin oo dad gooniya Mulkilaha ahayeen ee umadda ha jaah wareerin.

  6. @Nasir,

    Anigu 2017kii Puntland Times maba aan aqoon oo adigana dadka iskamanaqaan e miyaad igu riyootay maandhe, mise waad igusoo ambatay?

    Soomaalida waxaa aad ugu xoogeysanaya xanuunnada dhimirka gala noocyadooda kala duwan. Rabbi Yassir Walaa Tucassir.

  7. Kkkkkkkk, ninka wali u haysta in farmaajo noolyahay oo puntland ineey duntay ku qarwaya waa nimaan wali qaan gaarin, sxb puntlan dhib waxaa ku hayey farmaajo iyo cawaantii la socotay iyagiina afka ayaa ciidda loo galiyey, dalkaan shabaab waa laga xorayn lacag dalku Leeyahayna waa loo samayn tiiriikhda Oman doonta iyo midda hadda, joogtana dalkaan guulwade cawaantiiisa waa laga ilaalin ama ooya ama habasrtama

  8. Rooble dan gaar ah oo tolkiisa ugu adeegayay ayuu Farmaajo kula dagaalamay.Dan guud Soomaalinimo ma uu ka shaqaynayn.Hadana Imaaraadka ayuu rabaa in guryo magan gelyo ah waydiisto,saxaraha kuleelka badan dubka kaga guban.sidii lagu bartayna kuwii ka horeeyena,Xajka ayuu aadi doona.Toban mar xajka aad ama ha aadin mar hadii madax musuq kagaa jiro marna dhaahir ka noqonmaysid danuubta guud ee masaakiinta shacabka laga galay iyadoo lagu andocoonaya in u adeegayaan bulshada.
    Deni howlihiisa waa sida cunug yar oo dabeecad xun hadana rabo in tooyada (toys) kaligii haysto marba xaafad kale toys ka raadinayo.Deni waqtigiisa dhamaa.Ahmed Madoobe Kenya yuu ku tiirsanyahay laakiin dhowaan waa laga xigsan doona oo kooxan Hawiyaha ah ayaa kenya ka dhaadhicin donaa in waxkasta iyaga u fulinkaraan sidaa owgeedna Madoobe cadaadis uu ka soo kabsan karin la duldhigi.Kenya knows Ahmed Madoobe inside out dhowaana bahyar cusub oo Xasan Shiikh usoo shukaamiyay ayaa loo
    guurin.
    Anyway,if xasan Shiikh is looking for some sort of redemption from his right off the gate political mis-steps by meeting with not so friendly figures,then he must bring a new competent face as a prime minister,otherwise CADHO iyo CANABAAR siyaasadeed ayaa aafayn. Tbc..

  9. Waxaa la yiri. Ilmo aay Hooyadood tuugo tahay, Caano kama dhergaan! Kkk

    Hadda, Dal aay Maamulkiisa saacaddan aan joogno u Madax bannaan yihiin, Xasan Sheekh, Rooble iyo 30 jir, xaalkiisu Allow Sahal!

    Bangigii dhexe ayaa Waxaa tagaya iyagoo raadinaya lacagtii Imaaraadka ee muddada taaley, Rooble, 30 jir iyo Carab kii iyagoo ku socda a marka Xasan Sheekh!
    Oo maxaa looga tagey Wasiirkii Maaliyadda ee ka masuulka ahaa Bangiga loo socdo iyo lacagta meesha taalo?!! Kkk

    Because, he is not a Hawiye Clan and member of the Gangsters! Kkk

Comments are closed.