RW Rooble oo war kasoo saaray geerida Madaxweyne Sheekh Khalifa

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”

“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Waa mahad Ilaahay iyo galladdii inuu mujrimkaas Ummadda Islaamka kadhex siibay oo kaqabtay! War ka farxad badan indhawaale maan maqlin runtii.

    Sahyuuniyiintii uu dadada kadhuunkanayay tolow iilka miyay kulahooyanayaan oo xisaabta aakhiro qareenno ugu noqonayaan – sida London iyo New York?

    Waddamo ay Soomaaliya iyo Jabuuti kamid yihiin guul weyn ayay xaqiiqdii u tahay inuu daaquudkan bakhtiyay.

    Heer wuxuu dadkiisa kibir ka gaarsiiyay inay baabuurta dahab kurinjiyeeyaan; night-club-yo iyo makhaayado dahab lagu naqshadeeyay u tumashotagaan oo cunno iyo macmacaan dahab laga sameeyay weelal dahab ah kaga cunteeyaan; maqaaxiyo laga qaxweeyo oo daakhilka Masaajid loo ekaysiiyay oo dahabna laga naqshadeeyay; iyo goobo ‘Gold Machines’ loogu magacdaray oo sida lacagta ATM-yada looga la baxo dahabka looga la baxo.

    Israafkaas xa-dhaafka ah ee muuqda waxaa kasii daran inta kale ee iyaga uqarsoon oo ay iyaga iyo khasiisiinta reer Galbeedka ku balweeyaan. Intaasna waxay kuhawllanyihiin inay waddamada muslimka ee saboolsan iyo shucuubtooda faqriga la go’aya dhaqaalaha iyo noloshaba kacuryaamiyaan, halkii uu waajibkoodu ahaa inay qaniimada Ilaahay ee iyaga ka badbadatay muslimiinta kumaalgeliyaan oo sha’nigooda sare ugu qaadaan.

    Malcuun aan laga malcuunsanayn igadheh!

  2. Rooble Lacag laaluush ah hadana UAE keentay oo dhididka masaakiinta sida Bangaledheeshka,Nepaleseka qorax kuleel sida duqsiga ugu dhintaan e exploitation keeda laga sameeyay ayuu Rooble ku soo Casheeyay kuna quraacday! Bal ducadaa albaab ma u furan yahay?

  3. Inshaa’Allaah, waxaa dhowaan xigi doona war isna farxad iyo raynrayn leh oo kusaabsan daaquudka labaad ee Caalamka Islaamka ciryaamiyay oo isaguna halligmay, waana kii Salmaan Bin Cabdulcasiis la oran jiray oo lahaleelay oo isbitaal ladhigay.

    Sida la ogyahayna, dhakhaatiir Yahuud ah ayaa kuhareereysan oo malaayiin doollar kaga dhacsanaya, iyaga oo og in aysan waxba ugatari doonin marka uu Malakul Mowd-ku sooxaadiro.

    Maxayse inoogu turantahay mar haddii labadan mujrim ee bakhtiyay aanu wax isbeddel ahi kadhalan doonin maadaama ay dhal baas oo balwadda gaaleed macaansaday siidhaxlayaan?

  4. Rooble baahane,anigoo Ka mid ah shacabka Somaliyeed,magacayga kuma hadli Karo,odaygaasi wixii uu suubiyey maanta isaga Allah ayaa is arki.

  5. Illahay cadabkii maama
    Qafiifiiyo wuxuu ahaa qodax
    Islaamka kutaagan allaah ayaa
    Kasiibay kuwa haray rabi
    Haraaviyo midkaas baqatiyay
    Ee xumaanta badnaa naf urayso
    Ayaa kujirtay somali hadii aan nahay waynadhibeen illaah
    Hadhibo ,rooble waa dayuus
    Xun oo naftiisa liito
    Naftiisa 60 wuudhaafay hadii
    Uusan tobada unoqon sidaas
    Ayaa laguujiidi,
    Asc Somali all of

  6. War hade Rooble iyo Farmaajo labaduba waa ay ka tacsiyadeeyeen Geerida ku timid Madaxweynihii Emaaraadka marka Daaroodoow Maxaad Rooble kaligii ku maagaysaan? Yaab !

    Daarood iyo Qabyaalad maxaa kala haysta ?

    Soomaalida Koofureed waa in ay masiirkooda mustaqbalka dhaw ka Tashadaan ( gooni isku taag Self determination of the South and Central of Somalia is on the table )

  7. @@@@ ducaale Kaahiye,Farqiga u dhaxeeyo tacsida Farmaajo iyo Rooble waa in Rooble baahanyahay lacagna UAE siiyeen si ay fitno uga abuuraan Somalia. Midkale Tacsidiina waa xaddhaaf sida markii Xasan Shiikh u rakuucay askar Kenyan ah oo dhiiga Somalida soo daadshay. Afka qabso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*