SAWIRRO: Hoolka doorashada Madaxweynaha JFS & diyaar-garowgii ugu dambeeyay

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo loo madlan yahay maalinta berri ah ayaa ka soconaysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Hoolka Teendhada Afisiyoone oo lagu wado inay doorashadu ka dhacdo ayaa si weyn loo diyaariyay. Waxaana aad loo adkeeyay Amniga nawaaxiga Afisiyoone oo ku taalla xeyndaabka xerada Xalane.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Teendhadii “kala reebta” miyaa soo sawirteen?!

    Garoonka ciyaarta kamadanbaysta lagu qabanayo waa natusteen, mahadsanidiin, laakiin nooma aydaan soo gudbin “lacagta” lagu kala iibsanayo ciyaartooyda ka qaybgalaysa garoonka!!! Waxa aan haddaba idinka codsanaynaa in aad soo xuuraantaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inta uu Muqdisha ka marayo, haddii alle idmo, iyo sida loo kala ciyaartooy badan yahay.

  2. Ciyaartoyda oogu qaalisan waa cabdixaashi oo lagu iibsadey 70 Milyan oo dollar. Isagaa ayaa ah ninka oogu muhiimsan ee xargaha xildhibaanada oo idil haya. Somali allow nin aan adiga ahayn uma maqna, ee faraj khayr qaba inoo fur. Somali meelkasta ay joogaan waa ay ku dhibanyihiin. Wadamadii oo idilna waa ay ina nacayn. Illaahow albaabka raxmada inoo fur.

  3. Waa su’aale Gaas & Cumar C.Rashiid ma Deni bay u tanaasuleen mise way xagal daacinayaan ayagoo kala furfuraya xildhibaanada uu haysto,lana shaqaynaya musharaxiin mid kastaa rabo inu u magacaabo R/wasaaraha?
    Gaas Sharif
    Cumar Xasan Shiikh
    Deni laftiisa waxa la leeyahay hankiisu waa R.wasaare.

Comments are closed.