SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh & Danjire Swan oo ka wada-hadlay taageerada QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada dalka iyo sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

Danjire James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Wallee Xassan ‘Qoslaaye’ bilaash loogu ma magacdarin. Madaxda kale ee dunida tababbarro ayay ku qaataan qaababka jirka iyo wajiga ee majlisyada diblumaasiyadeed loo adeegsado iyo asluubtooda.

    Marka sawirradan kore qummaati loodheehdo, waxaa bayaan u caddaanaysa qaabka uu Xassan Qoslaaye gaalkaas farenjiga ah hortiisa isugu dulleeyay oo ugu khushuucayo – qoorta dadban, qosolka, gacmaha iskorsaarsan, sida uu gaalka dhankiisa isugu janjeeriyay iwm.

    Soomaaliya iyo Soomaaliba waxay mudnaayeen hoggaan hayin ah ee kursigaas uu salka kuhayo ugu muuqdo kursigii ay kufadhiyeen Salaaddiintii halyeeyada ahaa ee qarniyo badan gaalada kaga cabaadiyay oo farenjigana ciidda afka ugu daray. Hoggaan isu arka inuu salka kuhayo kursi uu kasii dhaxlay Rasuulkeenna Ugdoon (SCW) iyo Khulafadiisii iyo Umaradii taabiciintooda ee adduunyada usarreyn jiray.

    Gaal ciiddaada kugusoo booqday isaga ayaa adiga muxtaaj kuu ah oo danooyin iyo baahiyo dhulkaaga kaga xirani kabaha usoo geliyeen. Inaad maanka noocan ah kudheehato weeye e ma aha inaad adigu isu ekeysiiso inaad tahay kan muxtaajka ah ee ay baahiyuhu gaalkaas ku badeen.

    Inta aynu qabka Soomaalinimadii Islaamnimada salka kuhaysay ee aynu caalamka maqaamka sare kaga gaarnay sidan uga arradannahay, walleynaan qarannimo iyo dowladnimo dhab ah saldhigan doonin. Taariikhdaada iyo sooyaalkaaga ayaa la isku taakeeyaa oo aad cizzi iyo sharafna kuhanataa.

  2. @@Awlal maxaad ula yaabi waa Madaxweynihiisa rasmiga ah weeye e.Foreigners ka waxay rabeenbaa wax loogu daray.

  3. @@@Ally M,

    Waad asiibtay Caaqil, 100%.

    Dar baa dalkan hadda ka rajo qaba inuu qarannimo iyo dowladnimo dhab ah saldhigan doono xilli dhow, laakiin heyhaata ayay ka tahay ilaa xisaabaadkii dhabqay iyo dulmigii Xamar ka dhacay dib loosaxo.

    Sidii aan marar hore nalka ugu ifiyayna, rajadaasu waxay bidhaami doontaa marka maamulidda Banaadir ilaa Baraawe Soomaalidii asal ahaan lahayd dib gacmahooda loogu hubsado – waana Barawaaniga/Reer Banaadiriga.

    Inta aysan taasu dhicin oo madaxnimada Xamarna ay ‘recycled garbage-ka’ sida Xassan Qoslaaye kusoo noqnoqonayaanna Soomaaliya wax rajo ah maleh habayaraatee.

  4. Wacadalla soomaaliya caro ilaahay baa haysta
    War culusoow wax dhaama miyaa lawaayay
    Maxaa kudhacay
    Neefkaan af kalahaya daaroodoow anagaa is jabinaye yuusan taako qaadin culusoow
    Kulahaa burtinle waa galmudug wallee kan reysalwasaare dhib badan waa in loo helaa sida xiirane

Comments are closed.