DAAWO: Axmed Karaash oo guddoomiyay Shir heer Wasiiro ah

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland ee (JPLG)

Shirkan oo sanadkii laba jeer qabsooma waxaa kasoo qayb galay ,Wasiirada wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruucha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo masuuliyiinta xafiiska maamul baahinta Puntland (JPLG)  waxaana looga hadlay, Xog-waran ku saabsan dibu-eegista siyaasada maamul baahinta, Warbixin ku aadan soo dhamaystirka xeerka Biyaha oo  laga  dhegaystay Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha  Puntland, Dar-dargelinta qoondada dowladdu ku bixiso hawlaha fidinta adeegyada horumarinta maxalliga ah oo laysla gartay in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo iyo Ansixinta wareejinta 20 xarumo Caafimaad  iyo 33 xarumo waxbarasho ee laysku af-gartay shirkii  guddiga farsamo ee qabsoomay  21-22, March, 2022 oo shira lagu ansixiyey.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka oo hadal koobaan ka jeediyey ayaa xusay muhiimada ay leedahay maamul baahinta iyo in cid walba ka qaadato qaybta kaga aadan isaga oo amray wasaaradaha mashruucu la xiriiro inay fududeeyaan hawlaha looga baahan yahay.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. kkk wager laandheere darwiish xilka putland xaji ilaa doorashada ka dhacay sansibaarka maskax aw wax ku maamulo ma haayo xoolihii uu putland ka qaaday hawiye ka dhacay oo jilaafeeyey bal sansibaarka ha nasto inta uu ka soo kabanaayo dharbaaxadii ku dhacday kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*