DAAWO: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay go’aankii Siciid Deni!

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta si aqlabiyad leh ku meel-mariyay go’aankii Madaxweynaha Puntland uu ku baabi’iyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Puntland ee HADMA.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni dabayaaqadii bishii Maarso, ayuu ku laalay Hay’adda HADMA, isagoo dhisay Wasaarad cusub, taas oo loo bixiyay “Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland”, Xildhibaanada ayaana sidoo kale kulankooda maanta ku ansixiyay Wasaaraddan.

Hay’adda HADMA oo kamid aheyd Hay’addaha madax banaan ee Puntland ayaa muddo wajahaysay gabaabsi shaqo, kaddib markii ay shaqooyinkeedii la wareegeen qaar kamid ah Wasaaraddaha Puntland.

PUNTLAND TIMES 

12 Comments

  1. Waxaa lamoodaa inuu Saciid Dani akhristo oo afkaartana ka qaato websiteyada Puntland sida kan Puntland Times.

    Ciddii xusuusan iyo cidkaleba, sanadkan horraantiisii ayaan anigu dhowr goor Dowladda Puntland ku dhaliilay in halkii ay musiibada intaas dhan wasaarad u dhisi lahayd ay hay’ad aan miciyo lahayn ku aamintay.

    Qoraalladaydii waxaa kamid ahaa kan aan hoos kusoo naqliyay ee aan PT soodhigay taariikhdu markii ay ahayd 31/01/2022.

  2. Awlal says:

    JANUARY 31, 2022 AT 5:34 PM

    Hiraal li’ida iyo hoggaan-xumada Puntland ragaadiyay waxaa laga dheehan karaa in musiibada ugu daran aan wasiir iyo wasaarad rasmi ah loodhisin e “guddi” xun oo aan miciyo lahayn loo magacaabay. Waajibku waxaa uu ahaa in ay jirto wasaaradda abaaraha oo ayna noqoto tan labaad xagga ahamiyadda. Sababtuna waa mid bayaan iskaga cad oo aan tafaasiir dheer u baahnayn.

    Waxaana kasii daran fiiragaabnimada baahsan ee xukuumadaha Puntland ka indhasaabtay ahamiyadda sare ee ay leedahay in jaamicadaha Puntland la guddoonsiiyo dowrka gundhigga ah ee ay ku leeyihiin qorsheynta iyo maareynta arrimaha aasaasiga ah ee jiritaanka iyo horumarka Puntland ka tarjumaya – sida iqtisaadka, dabiiciga, iyo cimiladda.

    Majirto abid bulsho aan xarumaheeda goshiyeed ismaamulkeeda ka qaybgalinin oo horumar iyo dawlad-wanaag taam ah hanatay – in ay ragaad iyo rafaad kadheefto mooyaan e.

  3. xirsi gaab oo cadadeeyey manta in maamulka snm uu kasoo daray ragana xaninyaha laga garaaco oo xaniinyaha laga siibo dumarkana nasahana iyo xabadka laga garaaco ka daawo hadhwanaagnews.com

  4. Awlal

    Guddoomiye ma u maleyneysaa in hadda lagaarey xilligii Puntland yeelato Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Gaashaandhiga?

    Sidee adiga kuula muuqata .

  5. @@@Jaamac Xuseen ,

    Garaad, waad kumahadsantahay su’aashaada waxgaradnimo. Walow aan tolkayga reer Puntland lawadaago qarracanka Xamar kasoo gaaray, haddana aniga iyo akhyaar kale oo aynu isku maan nahay naxdinta laga qaaday nagu ma habsan oo saansaantu way inoo sii muuqatay oo inbadan ayaynnuna kasii digaynay oo kasii qayladhaaminaynnay.

    Sidaas oo ay tahayse, haddii aannu reer Puntland nahay, marna dan iyo sumcadba inoogumajiraan inay ciilku iyo caradu inaga qaalib noqdaan oo ku degdegno falcelinno maqaamka iyo mansabka aynu Soomaalida iyo caalamka kale ee aadka inoo qaddariya ku leennahay naga dhaawaci doona.

    Way inoofuranyihiin siyo iyo siyaabo miizaanan oo macquulsan ee aynu Xamar iyo Xassan Sheekhba kaga aargoosan karno, laakiin kamid ma aha tallaabooyin hadhow qarandummisnimo la inagu eedeyn doono. Reer Puntland tacabkii ugu badnaa ee uguna weynaa oo maal, mooro, iyo maskaxba isugujira ayaa kaga baxay halgankii iyo hayaankii adkaa ee loosoomaray inay Soomaaliya dib usookabmato oo heerkan Rabbi kusoosimo; maahmaahduna waxay ahayd in meesha aad ku qoysato (qabaysato) lagu qallajisto.

    Bog kale ayaanan idin kalawadaagi doonaa (Eebbe Idamkii) siyaha iyo siyaabaha aniga ila quruxsan inay Puntland Xamar iyo Xassanba kaga aarsato, iyada oo aan daalac looraacan doonin. Xalku aad ayuu uga dhowyahay sida loomaleynayo.

    Mahadsanid walaal.

  6. Awlal

    Suldaan waa Ku mahadsan tahay jawaabta waafiga ah ee aad naga siisey suaashii aan Ku weydiiyey waxaadna dhigtey meeshii Ku habooneed .

    Waxay u badan tahay in Xasan Sheekh uu gacantiisa Ku burburindoono dawladnimada yar ee Soomaaliya u soo bidhaantey ..

    Qorshayaasha Xasan miiska u saaran waxaa Ka mid ah :

    1-In aanan Puntland weliba gaar ahaan Majeerteen lasiinin wasiir miisaan culus leh .

    2-In Muqdisho uu Ka abuuridoono mucaaradad Ku wajahan Puntland

    3-Xasan wuxuu soo celinayaa dagaaladii uu horey uga wadey Galkacayo.

    Waxaan Allah Ka baryayaa in Arrimaha ay kheyr noqdaan .

  7. @@@Jaamac Xuseen,

    Adigaa mudan Garaad. Tolka Majeerteen waxaan fikraddayda aan markale dhiiban doono ugusii ararayaa halbeeg aan rabo inay laabta iyo maanka sii galiyaan: Majeerteenku baahiba umahayso in waqtigan xaadirka ah Xamar jago lagasiiyo, waayo waxay ku noqonaysaa bahdilaad iyo maqaam hoose ee aan innaba gayin.

    Nin calfaday mansabka Madaxweynaha Puntland ee haddana Xamar damac ka galay, wuxuu lamid yahay doqon sixun u hanqalloocsaday oo aad iskugu digtay. Talada aan hayaa waa mid salka kuhaysa inay dhacdo Muqdisho oo Majeerteenka ciiddooda uugu tuugsi iyo baryo timaadda heerka ay iyagu Puntlandtooda kusimeen.

    Reer Puntland inay damaashaad galaan ayuu waajibkoodu maanta yahay e inay Xamar ka cataabaan ma aha habayaraatee, waayo Xassan iyo Xamarba waxay tusiyeen mansabkoodii iyo maqaamkoodii Puntlandnimo ee ay doqonnimadu iyo damaca waalani ka indhasaabayeen.

  8. Doorashadii 15 may 2022, waxay ahayd taariikh u qorantay sidii loo rabay, laga soobilaabo 1969 bishii oktoobar degaannadii la oranjiray majeerteeniya waxaa ku socday daggaalo siyaasadeed, mid naqaale, mid faquuq, mid qabiilaysan oo dhammaantood isugu biyashubanayey niyad jabin iyo in dhulkii uduga laga dhigo mid bannaan joog ka ah siyaasadda somaliya, run ahaan tii qaar ka mid ah ujeedooyinkass waa guulaysteen illaa dhulkii majeerteeniya loo bixiyo gaari waa! Haddaba wixii ka dambeeyey 1991 reer puntland waxaa ka degay culaydkii iyo cadaadiskii uu ku hayey kacaankii kalitaliska ahaa waxayna heleen fursad ah in waxgaradkii, aqoonyahankii, iyo isimadii dhaqanka ay dib ugu soolaabteen dhul udug, waxaa wanaagsan in qof walba uu fahmo in puntland laga soo aasaasay meel eber ah sanadkii 1998 isla markaana puntland ay tahay beelo isu tagay oo meel maran wax ka billaabay waxa kaliya ee laga filan karaa ay tahay in ay ammaanka iyo midnimada reer puntland xaqiijiso, waxa ku xigaana ay noqoto adeegyada yaryar sida caafimaadka iyo
    waxbarashoda, runtii wixii laga filayey wax ka badan ayeey qabteen maamuladii isku xigxigay ee puntland, puntland waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay qaran somaliyeed oo federal ah waana ku guulaystay, ujeedka ay puntland u doonayso in la helo qaran somaliyeed oo federal ah waa in aysan dib dambe u dhicin wixii dhacay 1969 oo ahaa ciidan xoog ku Qabsada somaliya oo ummadda cadaadiya, xoogna ku haysata doorasho la, aan, runtii markale ayeey khatar u gashay in somaliya lugaha la hashi, alla ma haddii puntland ayaa markale ka hor tagtay, madaxweynaha puntland waxaa uu soo hor istaagaay rer puntland iyo
    Ummadda somaliyeed waxaana uu sheegay in uu doonayo inuu tartamo ujeedkiisana ay tahay inuu meesha ka saaro rskiimkii ina farmaajo oo u saansaan ekaa kii 1969 ee mallatariga runtii siciid dani waa uu ku guulaystay hadafkiisii afka ayuu dhulka u galiyey rajiimkii kharta badnaa ee ina farmaajo, sidaa awgeed dadka markaste yiraahdo dani waa guuldarraystay waxbadan siyaasadda ka fahma, ujeefkuna ma ahayn in dani madaxweyne noqdo oo kaliya ee ujeedu wuxuu ahaa in rsjiimkaas la burburiya cidkaste oo qayb ka qaadanaysa burburintiisana lala shaqeeyo dibna loo billaabo somaliya oo fedraal ah kana madax bannaan kaligii taliye la mid ah kii 1969kii.

  9. waxan aad ula yaabaa kuwa daciifka oo siyaasada ka aradan lana soo shirtaga deni wuxuu doonayey inuu farmaajo meesha ka saaro sidaa awgeed waa uu guuleystay,
    hadaba aynu kala saarno puntland iyo Deni.
    Deni waxaa meesha keensaday koox arxanlaawayaal ah oo la yiraahdo aaran shaydaan waana kuwuu eeday oo waa kuwii dagaalka boosaaso geliyey, waa kuwii khayre ka raacay oo xildhibaanduu boobay harcad ka dareersaday, deni uma aanu iman puntland dhisideeda xaq dhaqaale, caafimaad iyo siyaasadeedba. wuxuu u yimi in uu danihiisa gaar ahaaneed ku fushado oo xamar ku aado. deni markuu xamar tegey wuxuu xanbaarsanaa habaar ah ” Ilaahay naguma kaa soo celiyo” waayo shacabku puntalnd waa karheen, soomaali waa wada arkaysay in isaga iyo koox yar oo la baxay” teem Deni” oo an inaba khibrad siyaasadeed lahayn ay hor boodayaan. kooxdaas waxa madax u ahaa wasiirkan Deni abtiga u ah oo aad arkeyseen sida daciifnimada ah ee uu u hadlayey, waxa kale oo soomali arkaysay in aanu shacabka puntland taagaro ka haysan waana tan soo dedejisay in kuwuu boobay laga sii boobo, oo uu sagxada soo fariisto. deni maanta waa meyd socda (dead man walking) oo talo iyo tabar midna ma hayo. baarlamanku waa kuwaas marna xamar loo raro marna garowe loo soo raro oo laxamiistuhu xakumo. hadaba maxaa dan ah.
    1, Puntland waa inay marka hore iyadu isa saxdaa intaanay dagaal ku degdegin. waa in ay shacabku doorasho u dareeraan xor ah oo xalaal ah si ay u doortaan cidii meteli lahayd.
    2. waa in dastuurka lagu daraa in madaxweynaha puntland aanu isu sharixi karin meelkale isagoo madaxweyne puntland ka ah, bal eeg wadankii wuxuu u gacan galay urur diimeed xamar iyo kismaayo oo ah laba magaalo dalka ka xakuma,oo aan duleedkeeda xakumin.
    3.Puntland haka madax banaanaato urur diimeedyada sida damjadiid, alsilaax, alictisaam,oo fara kulul ku hayo denina ka tisan yahay.
    4.puntaland ha la timaado hal ku dhiga ah (puntland first)
    5.Puntland waxay leedahay dad aqoon leh oo dunida dacaladeeda iyo gudahaba ku kala firirsan laakiin dalkii waxa xakuma kuwii ugu liitay. waana kuwa halkaas dhigay. sidaa daraadeed dadka aqoonta leh halaga faaidayto
    6. puntalnd waxa lagu khamaaray hantideedii waa inuu jiraa hanti dhowr guud oo ka madax banaan dowlada
    7. puntland ha yeelato baarlamaan shacabka metela ee aan ahayn kan laxamiistuhu xakumo.
    8. puntaland wixii danteeda ka horyimaada ama lidi ku ah waxba yaanay ula harin.
    9. puntland ilamaa degmooyin am gobolo wax lagu qaybsado yaanay yeelin 4.5
    10. Deni maanta ma aha kii xasan ulusow la diriri lahaa waayo xasan waa ogyahay mudada u hartay iyo in uu dhaawacan yahay waxa la diriri kara waa kan soo socda ee ha la doorto nin aaminsan puntland first.

  10. Kkkkkkkk Axmed sxb waxaad ka mid tahay kuwa farmaajo riman oo huwan qolofta diindiinka, sxb puntland waa ka gudubtay in la cabsi galiyo, siciid dani waa milkiilaha puntland mana jiro nin uga lexejeclo badan pubtland, sxb haka warwareegan arrinka, farmaajo wuxuu duullaan ku ahaa puntland waxaana looga hortagay dagaal siyaasadeed waana looga guulaystay, maanta dadka reer puntland waxay dareemayaan nafis iyo deggenaan waxaana meeshoodii ka billoowday horumarkii iyo dawladnimadii uu carqaladeeyey ina farmaajo iyo kooxdiisii gaangiska ahayd ee uu fahad ka midka ah sxb puntland wax dhibaato ah Kama jirto, Adiga iyo kuwa Shurunshuurta ah ee aannu ognahay waxa ka qaylidiinayo ah nacayb iyo ciil waayku dhimmanayaan cuqdaas, sxb dalka puntland waxaa xukuma siciid dani wuuna xukumi doonaa waligiis mana jiraan wax dhibaato ah oo ka jirto puntland gudaheeda,

    • Ali iyo Ahmed iyo Awlal….good points puntland first is the moto.

      Kkkk labo tuulo oo agagaargeeda xukumin ayaa somali horboodaysa. I like that.

Comments are closed.