DAAWO: Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Wasiir Gallan, maxaa la weydiin doonaa?

Baarlamaanka Puntland ayaa u yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Amniga Puntland, oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Cabdisamad Maxamed Gallan, si su’aalo looga weydiiyo xaalada Amni ee deegaannada Puntland.

Wasiir Cabdisamad Gallan iyo xubnaha sare ee Wasaaradda ayaa la faray in 27-June, oo ku beegan berri oo isniin ah ay horyimaadaan Baarlamaanka. Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay u soo diyaar-garoobaan su’aalo weydiinta madaxda Wasaaradda Amniga.

Ajandaha Kalfadhigga 50-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa qeyb ka ah la-xisaabtanka Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni. Waxaana lagu wadaa in inta ay socdaan fadhiyada Baarlamaanka ay horyimaadaan Wasiiro kamid ah Xukuumadda.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Baarlamaan ka Pubtland.
    Tan iyo 1998 waxa uu ahaa mid magac u yaal ah,.
    Baarlamaanka la soo magacaabo ee Puntland,marna wax u Dan ah Shacabka Puntland ma ku dhaqaaqin.
    Waxa moodaa in nidaamkii military gacahaa er dalja Soomaaliya muda 21 ka sanadood xukumay,in wax badan oo Soomaaliya iyo Puntland ka jira xaga maamulka oo ah in,meel kaliya ama qof kaliya uu awooda oo dhan ,kaligii maamulo.
    Arimahaasi waad ka arki,maamulada Hargeysa,Garowe,Dhusamareeb,Jowhar,Mogadisho,Baydhabo iyo Kismaayo,iyo dowlada federaalka ah,waa in dadka Soomaaliyeed ay helaan maamul iyo nidaam awoodaha hay’adaha dowliga ah ay si cad u kala qaybsanyihiin

Comments are closed.