DAAWO: Hoggaamiyihii Amniyaadka Al-Shabaab ee Boosaaso oo diiday xukunkii Puntland

Cabdiraxmana Ciise Axmed Laahoor, oo kamid ah shan xubnood oo ay xukun dil ah riday Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida ee 5 gobal ee Puntland, ayaa ka horyimid xukunka Maxkamadda, isagoo ku tilmaamay cadaalad darro.

Cabdiraxmaan Laahoor ayaa Maxkamadda Ciidanka Puntland sheegtay inuu ahaa hoggaamiyaha Shabkad kamid ah Amniyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dilal madax jabis ah iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Boosaaso.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Laahoor, in magaciisa rasmiga ah uu yahay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid oo loo yaqaan Laahoor, balse ay magaciisa ay khaladay Maxkamadda.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Laahoor ayaa xusay in uusan aqoon u laheyn Ragga afarta ah ee la sheegay inuu ahaa hoggaamiyahooda. Waxaa uu intaas ku daray in Puntland ay saddex jeer oo hore u xiray Al-Shabaabnimo.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Ragii buskut ciyaalka hospitalada puntland lowadey xadey oo dhirtii guurtey aa cadalad ka shaqeynaa oo edeysanaha ay xakumeen ugu yaraan magaciisa saxi wayey yaab

    • Sadiq adeer qof xanuunsan oo aids iyo cancer qabaad tahaye yaa wax ku waydiinaya adiga dalka dadkii lahaa ayaa maamulaye inangumeed xun wsrkiisa yaa ku jira

  2. SASAQ KKKKK WALEE INAAD TAHAY “ASAASAQ”
    MAGACAAGII SAXA AHAA AYAAD WADATAA.
    DHIIGGA SHACABKA MUSLIMIINTA EE REER PUNTLAND MACNO MA KUUGU FADHIYO SOO SAX MAAHA?
    SHABAAB IYO DAACISH WAA KHAWAARIJ WAANA DADKII DILAY CISMAAN IYO CALI IYO ASXAABTI NABIGEENA CSW.

  3. Runta lama jeclaa murtada aa lagu dhahaa so shacabka puntland maxeen dadkii baxshay sow Dani u yimid dablama shidan qabyalada iyo qashin idinka buuxa canjeero see u Kala koreysa lo cunaa cadalad intaa laga hadlin madaxdu waa in shacabka ka dayaa dhaca iyo xatooyada buskutkii ciyaalka dhirtii lacagtii Coronaha dadkaas naftada in go,ami yaan mu dhiiban laheed

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*