DAAWO: Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta.

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.

PUNTLAND TIMES

8 Comments

    • Inan gumeed ayaa hinaasa adoo kale ah, maxaa dani ka maqan
      Dad iyo dalba wuu haystaaye, rauusalwasaare markii la rabo
      La cayrin karo muxuu macno leeyahay, awoowayaashaa oo la
      Gumeysto ayaa ragani maamul lahaa,

  1. Kulamadaan xaddhaaf ah waa wax dadka Puntland lagu mashquulinayo.Deni waa nin fashilmay.Deni wuu ogyahay in bani aadamka xusuus gaaban yahay!

  2. Hassan Shiekh hala weydiiyo Qeyraadka Somalia ee ka kow beeraha sida bariir qoryooley wabiga shabeele, beeraha afgooye beeraha jawahar qayraakii Somalia waxaa uu farah ugu jiraa muqdisho.

  3. Maashaa Allah H.E Saciid Abdullahi Deni Jazaaka Allahu khayran President of Puntland State and ayatullah of Somalia, waxaa xididada u soo siibtay Haraadigii Mujrimkii Afweyne. Waxaan kaloo uhambalyaynayaa Ciidanka difaaca Puntland sida geesinimada leh ay dhabarka uga jebiyaan cadawga Puntland State Guul iyo Horayumar.

  4. Maashaa Allah H.E Saciid Abdullahi Deni Jazaaka Allahu khayran President of Puntland State and ayatullah of Somalia, waxaa xididada u soo siibtay Haraadigii Mujrimkii Afweyne. Waxaan kaloo uhambalyaynayaa Ciidanka difaaca Puntland sida geesinimada leh ay dhabarka uga jebiyaan cadawga Puntland State Guul iyo Horayumar.

  5. Puntland waxay u baahan tahay gole wasiiro lajaanqaadikara Dual Truck Policy ..waa in Puntland Ka hartaa Xamar oo ay latimaado siyaasad cusub.

    Madaxweyne Deni waa in uu magacaabo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhiga Puntland.

    Siyaasadda kale loo baahan yahay waxay tahay in Puntland ictiraafto Khatumo iyo Mahir State oo dhaqaalaha Puntland wax Ka siiso .

  6. Hadduu Deni hadda weerar kuqaado Somaliland markaasi wey iska cad tahay in uu si toos ula shaqeynayo muusi bixiyo .

    Sababtoo ah hadda iidoor wey Ka dhex tafan tahay oo waxay qarka u saaran yihiin in ay isdagaalaan laakiinse haddii weerar uga yimaado dhanka Puntland wey iloobayaan khilaafkooda weyna midoobayaan ..

    Waa run Dhulbahante hadda diyaar buu u yahay in uu ladagaalo iidoor oo dhulkooda ay Ka saaraan laakiinse waxyar ha loo kaadiyo .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*