DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh “Qoorqoor waxaa leeyahay wax ka ba’an ma jiraan ee dadkaada qalbigooda lee hel”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug, ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha JFS ayaa xusay in uusan jirin aargoosi siyaasadeed oo la xariira kala aragti duwanaanshihii xillligii doorashada, sida ay aaminsan yihiin dadka qaar, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug in uu hanto quluubta bulshadiisa.

“Madaxweyne Qoorqoor waxaa leeyahay wax ka ba’an ma jiraan ee dadkaada qalbigooda lee hel, cid kaloo ku heysan karta ma lahan, talada reer Galmudug ayay kaa jirtaa, Galmudug bannaankeeda wixii ka socdo inaan yac dhahno annaga nagala rabaa”.

PUNTLAND TIMES

9 Comments

  1. Kkkkkkkkkkk. Muxuu yiri? Gulub baa la qaadayaaye Galmudug hormuud ha ka noqo! Kkkk

    Waxaan sugnaaba waa tuulooyinka gobolka Shabeelada hoose ee aay degaan Bimaalka iyo Beelaha kale ee Digilka oo aay Mooryaan Habargidir iyo Abgaal ahi oo ciidan Qaran sheeganayo gubayaan ooy Deb qabadsiinayaan! Kkk
    DUCAALE Kaahiye iyo Mooryaantooda xaalkoodana waa, meel aan rabay Roob ma iigu da’ay?!! Kkk

    Ilaahow u Gargaar dadka Sh. Hoose oo wajahaya dhibaato aay ka nasteen, 5tii sano ee Farmaajo!!!

    • Maad iska dayso quullihii 5ta sano ubaxay intuu dhamaysanyo asagaa Imaan doona kiiyo baahi la’il go’ane.

  2. Anigu khudbaddaas iyada oo buuxda ayaan dhegeystay, runtiina, waxay u muuqatay mid macquulsan oo turxaanbixin, dhiirragelin, iyo wacyigelin kusaleysnayd.

    Shaki kumajiro inuu Xassan Sheekh hadal macaanyahay oo kuwa kale kaga xeeldheeryahay kaftanka, xifaaltanka, iyo aftahannimada guud. Hubkiisa ugu weyn ee uu dadka badankooda kusoo dummadona waa qosolka ballaaran ee uu waxa usireysan ku dadi yaqaanno.

    Dabcan, qof kasta oo madax ahi waxa uu yahay iyo sida uu wax u hoggaaminayo ma qarsoomaan sikasta oo uu u hadal macaanyahay. Inay qowlkiisu iyo ficilladiisu iswaafaqaan ayayna guushiisu iyo guuldarradiisuba kujiraan.

    Tijaabada ugu horreysa ee qofka hoggaanka sare ahi dadka ugu kala caddaado waxaa weeye xukuummaddiisu qaabka ay yeelato iyo dadka uu kusoo biiryay waxa ay yihiin. Sida jaa laga dheehan karona, Xassan Sheekh tijaabadaas wuu la turaanturrooday. Inuu qummaati ulakufi doono ayaannuna weli dhawraynaa.

    So far, not so good.

  3. Madaxwaynaha Soomaaliya,Xassan Shiekh Maxamuud,waxaano u rajeynaynaa guul.
    Waxay ilatahay in bal la sugo oo waqtina la siiyo,wixii qalad ah ee soo baxa,waa in si hufan oo ah mid wax dhisaysay loo soo jeediyo.
    Dalka Soomaaliya oo ah mid dhibaatooyin badane ay haystaan,oo tan ugo wayne ay tahay,maamulka gooni ugoosatada ah,ee la baxay Somaliland,argagixisada al shabaab,iyo mida dalka oo dhan saamaysay oo ah abaarta,waa in arimahaasi xooga la saaro.

  4. Madaxweyne Xasan Sheekh Ka baaqsadey in uu booqasho kutago Garowe sababtu tahay madaxweynaha diidan in qalalaaso iyo nabadxumo Ka dhalato booqashadiisa sidii sanadkii 2017 Ka dhacdey Garowe markii Farmaajo booqdey oo ciidanada Somaliland qabsatey Tukaraaq .

    Wuxuu Xasan u ballanqaadey Deni in uu Garowe iyo shacabka Puntland soo booqanayo marka wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland la gudagalo .

    • Kkk Bare Suuliland xagee ku taal muuse jaahil iyo habrihii kale xaalkooda kawaran waxaan u qaatay hadalkaga halay xuso oo inan jiro hala ogaado. Suuliland sankaa lagawada qabsaday muslim iyo gaalba waala waxa ka jira inay yihiin habro isudowladaynaya oo jaahil kii ugu liitay hogaan looga dhigay. Adeer Garowe sow ma ogid inuu joogo Gen Morgan kii hooyooyinkiin wasi jiray xafidullahi oo ah kan aad ku qarowdaan. Iidoor dadka ka fulaysan oo ka oohin badan somali kuma jiraan goortaad karbashto naagahooda ayay kugu maslixin walahi waa gun taqaan in la karbaasho. Wiilasha Harti oo dhulka aad lacata ku siiso waa wiilal dhulkoodii jooga lacag baad ahna kaaga qaata ee how qadan Iidoor inuu xiniiyo ku joogo Sool. Somali Iidoor wax ka inangumeed san walahi buusan jirin dadka habeen iyo maalin ku calacalaya waanala waxeeyay waa Iidoor kuwa qabuura iyo bakhtiga soo fagaa waa Iidoor gun guni dhashay Iidoor uraye aamus ma kaftami kadhaan.

  5. A A XADE

    Qof jiran baa tahay oo Ciilan. Dadka kale ee meeshan soo gala qaar Badan Daarood ah baa jira oo Hawiyaha neceb laakiin banaanka Isma keenaan nacayb kooda way qarsadaan oo si farsamaysan ayay U weeraraan Beesha Hawiye.

    Anyway Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Gafuur Cawo nin kiisuu Dhibaa “. Nacayb iyo aflagaado waxba looga qaadi maayo Beesha Hawiye horaana loo soconayaa Train kii Xassan Shiekh wuu Dhaqaaqay cidna loo joojin maayo. This Train keep on Rolling !!!

    Federaalka waa la xoojin Deegaan kastana wuu isku tashan doonaa Mana jiri doonto isku dul noolaasho dambe iyo wixii la mid ah. Nin Walboow waxaad haysato miiska soo saar.

    Dictator dambe oo Soomaaliya ka taliya waa dhamaatay iyo Hantida Wadanka oo la dhaco iyo Wadaniyad Been ah, Shaar Dawladeed oo Dad Shacab ah lagu xasuuqo. No more..!!

Comments are closed.