DAAWO: Maleeshiyo beeleed ka qabsaday Ciidanka Puntland kantarool muhiim ah

Ciidammo maleeshiyo beeleed ah ayaa maanta la wareegay kantaroolka degmadda Burtinle ee gobalka Nugaal, iyagoo ka qabsaday Ciidammo kamid Booliska Puntland oo ku sugnaa kantaroolka.

Kantaroolka ay qabsadeen maleeshiyo beeleedkan ayaa ahaa mid kamid kastanyada wasaaradda Maaliyadda Puntland, ku leedahay gobalka Nugaal. Maleeshiyaadka qabsaday kantaroolka ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gobalka Mudud, iyagoo ka careysan Is rasaaseyn bishii april ku dhexmartay beer ku taal duleedka Gaalkacyo Booliska gobalka Mudug iyo Ciidan kamid ahaa PSF Puntland, oo ilaalo u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS, taas oo dhaawac uu kasoo gaaray Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad.

Gaadiid fara-badan ayaa ku xaniban kantaroolka Burtinle, Darawalada Gaadiidka ayaana ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay u furto wadada, maadama ay yihiin canshuur bixiyayaal.

PUNTLAND TIMES

8 Comments

  1. Nimankaas reer mudug dhaqanka mooryaanta ayay marmar
    Yeeshaan marka saacadii maansadu qabsan jirtey ayaa
    La gaarey, waxayna wax fahmaan markii xabad futada laga
    Gesho, ninkaa wadanka madaxweynaha ka ahina ma aha nin
    Jixinjix leh.

  2. Madaama wadanka oo dhan wada mooryaanoobay maxaa loo diidanyahay in reer mudug ay 20kii Sano Hal jeer ku tuurtaan ama ku kacaan ficil mooryaan. I like that.

  3. Reer Mahad waxa ay noqdeen Mooriyaan hadba nin ciil qabaa ku shaqaysto.Duf iyo dooriso ku baxa.

    • talow sansibaarka arinta muu is ka xaliyo
      intay xaalka faro ka bixin kkk laandheere cumar maxamuud hogaanka haaya hortiin lama hadli karee kkk geesiyadii cabdilaahi yuusuf aan la luudinkarin kkkk

  4. 28 sano dabadeed Puntland kama qaan gaadhin ciidan gadooda waa yaab. Imisa siyood oo kale baa loo xallin karaa. Waar dadka ceebta ka daaya

  5. Asc

    Haraadigii Farmaajo iyo kooxdiisii oo dagaalkii Deni weli wada.

    Shacabka Puntland waxaa aad ula weyn Daaroodnimadda iyo Hawiye iska-dhicinta, taasaa keeneeysa in ficillada kooxdan aan lagu eegin il fiyow iyo in si fiican loogu fiirsado !!!!

    WHAT A DILEMMA

    • wager hawiye af halasoogalin adigaa ugu yimid vila soomaaliya adigoo doorashada raadinaa lacagtii reer putland oo ahayd $22000000 adigaa hawiye u keenay adigoo cod ku raadinaa af ayey kaaga qaateen wax ba xagxagan farmaajo waa maxbuus hawiye ku hoosjiro oo aan u adeegsanay sansibaarka iyo axmed hawiye kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*