DAAWO: Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo Guddi loo saaray.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay.

Golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B).

PUNTLAND TIMES

8 Comments

  1. Oo yarkii Debraani ee afhayeenka u ahaa Puntland ma Xamar
    ayay weftiga Deni ku soo ilaaween?kkk

    Wasiirkan hadlaya miyaanuu ahayn kii Karaash isagoo cunay laba marduuf
    oo daba musbaar ah uu fenishay?kkk kkk kkk

  2. Dhuusaweyne,Al Zinjibaari wuxuu isku data yaa in uu iska shaqo wixii Xamar uga soo dhacay,laakiin reer Puntland way of yihiin waxa Xamar Ka dhacay,carruurta ayaa og.

    • afkaada caano lagu qabay walee sansibaarka war waad ka haysaa talow dharbaaxadii ay ku dhufteen sansibaarka hawiye iyo lacagtii ay ka dhaceen hawiye
      goor muu ka soo kabanaa kkk walee hawiye ninkarmeed dheh ilaahow roople baahane janada geey asigaa sansibaarka noo jaybiyee hadana soo shirqooley kkk

  3. Puntland.
    Waxa ka jira Puntland,wax ka mid ah,ama ka liita ayaa ka jira ,maamul goboleedyada,sida maamul goboleedka ka baxay Somaliland,oo waa raas,seddex dii xisbi beeleed ay,ku heshiin la’yihiin,in ka qabto doorasha dii madaxwaynaha maamulo ka baxay Somaliland.
    Maamulka kismaayo ee Axmed Madoobe waxa tan iyo markii la dhisay,waxaa meesha iska fadhiya mudo sideed sano ka badan,
    Axmed Madoobe,shaki kuma jiro,mar san dheerayn,in mari doonto,wado ragii kaa horay ay mareen,m.
    1 Morgan
    2- maleeshiyaad dii General Xaydiud.
    3 -Dooxada Juba ee Bare hiiraale.
    4- Argagixisadii al shabaab.
    Axmed Madoobe wadatashi ayuu ku danbayn,oo waa ka huleeli doona nar aan dhawaan,wixii aad boobo martay boobtay,taariikhda ayaa garsoore ah.
    Maamu dadja deeganada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo oo si heshiis lago yahay ayaa maamulja ka wareego.
    Argagixisada,iyo Ciidanka Kenya waa kaga saari dhamaan seddex Saadi gobol.
    Guul Soomaaliya.

  4. Idinku ma xumaanta keliyaad sheegtaan maxaa idiin diiday inaad wanaag rajaysaa illaa diinteennaa ina faraysa in wanaag la rajeeyo oo sharka wanaag loo fasirto. Waar xishooda oo ka cabsada maalin aan maata ahayn.

  5. Jubbalander iyo cilmi cabdulahi, saaxiibayaal, duur cidla, ah ayaad jafaysaan, haddaan ku horreeya jubbalnader ninka la baxay sxb waan ogayn wixii Ka dhacay xamar oo waa tii ina farmaajo afka ciidda loo daray isaga iyo kooxdiis ii gaangiska maafiyada ahaydba waa baxsad la baadi goobayo waxaana ku daba jira mudane mahad Salaad waana la soowada qaqabandoonaa insha allaahu Sharciga kama baxsan karaan kooxdaas maafiyada ah.
    Cilmi ninka la baxay waxaan Leeyahay sxb Axmed madoobe waa boqor aan dhicin waana milkiilaha jubbaland ilkayar iyi wax la mid ahna kama hadli karta jubbaland marti ayeey ka yihiin jubbaland, haddii aad wax ka qaadi kartan Axmed madoobe xilligii ina farmaajo ayaad wax qaadi lahaydeen Maanta oo xabsi sugayaal aad tihiin yaa wax idin weyddiinaato kkkkkk waa cidna kkkkkk, tolow maxaa lagu dhigay ilkayartii iyo cawaantii la socotaty kkkkkkkkk wacdaraa ku dhacay kkkkkkkk

  6. Tafaftiraha webkaan waxaan kula talinlahaa inuu joojiyo qaybtan fekradaada waayo cay mooyee wax kale faaiidi maayo. Waxaa fiican in dadku feker faaiido leh isdhaafsado oo la caytamin waayo qof ceeb waa yeelan karaa laakiin reer dhammi cay ma laha. Cayda iska daaya oo wax kala faaiida. Qoyskiinnu janno idin gaynmaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*