DAAWO: Midowga Yurub oo dhex-dhexaadinaya Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka Somaliland

Wafti ay hoggaaminayso safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Tiina Intelmann ayaa maanta gaartay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, si ay u dhex-dhexaadiyaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ay kala hadleen khilaafka siyaasadeed ee la xariira doorashada Madaxweynaha ee kala dhexeeya xisbiyada WADDANI iyo UCID ee mucaaradka ah.

Sidoo kale, Waftiga ka socda Midowga Yurub ayaa kulamo la qaadan doona hoggaanka mucaaradka, Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland iyo bulshada rayid ah, kuwaas oo ay kala hadli doonaan xalinta xiisada siyaasadeed.

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland oo salka ku haya doorashada Madaxweynaha ayaa xoogeystay todobaadyadii u dambeeyay. Mucaaradka ayaana ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu doonayo muddo kororsi iyo in dib uu u dhigo doorashada Madaxweynaha oo loo madlan yahay 13-November, isagoo maraya in dib loo furo hannaanka axsaabta siyaasadda Somaliland.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

Comments are closed.