DAAWO: Puntland oo walaac muujiyay “Waxaa dhici karta in Al-Shabaab soo gasho Gaalkacyo”

Puntland ayaa walaac ka muujisay in kooxda Al-Shabaab ay soo gasho gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, maadama ay ku sugan tahay deegaanno ku dhow Gaalkacyo.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobalka Mudug, Xasan Cabdulaahi Warsame  ayaa sheegay in digniino kasoo baxaya Hay’addaha Amniga ay muujinayaan in dhici karto in Al-Shabaab soo gasho gudaha magalaada.

Guddoomiye Xasan Cabdulaahi ayaa xusay in Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno kamid ah gobalka Mudug, sida deegaanka “Wisil”, ay wado dhaqdhaqaaqyo, ayna muhiim tahay in ay iska kaashadaan Puntland iyo Galmudug ka hortagga kooxda Al-Shabaab iyo adkeynta Amniga Gaalkacyo.

Hadalkan ayuu Guddoomiye kuxigeenka gobalka Mudug ka sheegay shir dhowaan ay yeesheen masuuliyiinta iyo saraakiisha Amniga gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

Sirdoonka iyo Ciidanka Amniga Puntland ayaa sannadihii u dambeeyay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay gobalka Mudug, iyagoo gacanta ku dhigay shabakaddo kamid ah kooxda, oo muddo ka badan 10 sano dilal iyo qaraxyo ka geysanayay magaalada, kuwaas oo 18 kamid ah la toogtay.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

    • Koley mar haduu wadanka qabtey xassan Baraf, asaga iyo Mahad SALAAD baa nagu Soo hubeyn doona alshabaab, ciidan kii la dagaala naayey shabaab ee magaca Somalia ku howl galaayey hadda stay shaati qabiil iyo kii shabaab Soo xirtaan oo isku deyaan in ay GAALKACYO, iyo Garacad weera ràan, hor Marka Puntland,degenaan shaha Puntland baa dhiba, maa daama ay wadnaha ja jiran yihiin…

Comments are closed.