DAAWO: RW Xamze “Anniga iyo Madaxweynaha waan is khilaafi karnaa, balse farsamo baan helaynaa”

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Xamze Cabdi Barre, ayaa sheegay in macquul tahay inuu khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay Ra’iisul Wasaare Xamze, in ay yihiin dad ‘Bani’aadam’ ayna is khilaafi karaan, kuna kala aragti duwanaan karaan waxyaabaha qaarkood, balse uusan rajeynay in arrintaas ay khilaaf weyn isku badasho.

“Annagu Bani’aadam baan nahay, waan is khilaafi karnaa aragtiyo kala duwan waxyaabaha qaarkood waa ka muuqan karaan, laakiin waxaan rajeynayaa in aysan marna gaarin inay arrintaas khilaaf weyn isku badasho, ama ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in haddii uu yimaado khilaaf soo kala dhexgala isaga iyo Madaxweynaha, uu hubo inay heli doonaan farsamo ay ku xalistaan.

“Anniga iyo Madaxweynuhu haddii aan aragti ku kala duwanaano mucayana, waxaan hubaa inaan helayno farsamo aan ku xalisano, iyadoo aan meelna waxba lala aadin.”

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay wada shaqeyn dhow la yeelan doonto Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. “Anniga iyo Madaxweynaha waan is khilaafi karnaa, balse farsamo baan helaynaa

    Kkkkk oo farsamo iyo xal kale miyaa jira aan ahayn afka ii buuxi adna buuxso umada somaliyeed yeelkadeedi kkkkkk kkkkk

  2. War ninkaan MOORYAAN Baahane oo kale maaha. Waa qof lala macaamili karo xitaa hadii qilaaf yimaado. Anaa aqaan Xamze. Waa nin maslaxad raadiya

  3. Moha maxaad ka waddaa waa nin
    LALA MACAAMILI KARO ?
    XAMSE Wuxuu inoo sheegay
    “FARSAMO AYAAN HELAYNAA”

    MR NUGAALOW siyaasiga somaliyeed dan kale kama shaqeeyaan waxa ay,isku qabsadaana waa dano shaqsi bal adiga inoo fasir FARSAMADA xamse inoo sheegaayo hadaysan aheyn
    “afka ii buuxi adna buuxso” ama waxaad na leedahay xamse waa lax aan u hadli doonin kk

  4. Xamse waxaa looga dhaanteeyey Nairobi iyo Addisababa. Waa Mustafe Cagjar oo kale, goormaynu DDS noqonay? Xasan-Dhiiqo, markii horena ciidamadii Kiiniya iyo Itoobiya buu ku xalaaleeyey jamhuuriyaddii ay xoogga ku qabsadeen, haddana mid iyaga ku daaban oo horgal u ah, sida Axmed-madoobe, buu inooga dhigay wasiirka koowaad. Waar Rooble ha aflagaadaynina.

Comments are closed.