Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida iyo dambiyada culus ee 5 gobal ee Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday maanta afar xubnood oo kamid ahaa Amniyaadka kooxda Al-Shabaab.
Xubnaha lagu riday xukunka dilka ah ayaa kala ah Jaamac Aadan Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse Olyo. Maxkamadda Ciidanka Puntland ayaa sheegtay in Raggan ay ahaayeen Shabakad kamid ah Amniyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dilal madax-jabis ah iyo qaraxyo ka geysan jiray caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
PUNTLAND TIMES
Xukunka dilka lagu xukumay argagaxisada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waanu soo dhaweynayaa.
Miyeysan ogeyn miyaa… in naftii badneyd ee ay qaadeen u macaaneyd sida tooda oo kale.