DEG-DEG: Karaash & Wasiir Dhabancad oo isku qabtay Shir ka dhacayay Garoowe & fashilka

Shirweynaha Dowladdaha hoose ee Puntland oo maanta ka furmi lahaa caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa fashilmay, kaddib markii ay hadalo kulul isku dhaafsadeen hoolka Shirka Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu amray Wasiir Maxamed Dhabancad inuu ka baxo Shirka oo looga hadlayay maamul-daadajinta, taas oo sababtay buuq iyo jahwareer ka dhashay shirka, iyadoo markii Wasiirku uu baxay ay ka daba-baxeen qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Axmed Karaash ayaa bishii April xilalka ka qaaday Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, oo kamid ah saaxiibada dhow ee Madaxweynaha, xilli Siciid Deni uu ku sugnaa Muqdisho oo uu joogay tartanka doorashada Villa Soomaaliya, waxaana tallaabada ay sababtay khilaaf weyn oo illaa hadda ka dhex taagan Karaash iyo Deni, kaas oo saameyn ku yeeshay shaqooyinkii Dowladda.

Wixii kasoo kordha kala soco PuntlandTimes

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. wager walee axmed karaash laan dheere darwiish shaqadaa wado awoodaha dastuurka ku siiyey ku soco musuq iyo burburin is ka ilaali taas sansibaarka ayaa daaqada uga baxay noolow madaxweyne karaash hortaa lama hadli karo

  2. Duqa lagama xishoon saaka
    Dhabancad ayaa iska furtay shirkii dawladaha hoose,kadib duqii waa kusoo dhex dhacay shirkii uu furi lahaa oo socda.
    Kadib maxaa dhacay
    Karaash wuxu waziirka faray inaanu Puntland xil u hayn,yahahna masuul hore,shirkana ka baxo.
    Buuq,qeylo,cay,dagaal,dharbaaxo waziirku wuxu kaxaystay badi dadkii shirka fadhiyay!!!
    Waar Dhabancadow miyaadan inkaar ka cabsanayn habaar qabe?
    Caaqii Xasan Shirena Ku kari weynay xushmeynta Oday Karaashe?
    Deni ma jiifaa?
    Qabyaalada qarmuun joojiya ee aad masuulkii labaad ee Puntland kú haysaan.

  3. Karaash baa fudude nimanka guryahooda
    How baneeyo cidi meesha Kama rabtee haddii
    Kale ha xirxiro oo nimankan xabsi ha ka buuxsho
    In uu buuhoodle isaga wareego ayaa u khayr badan
    Hadduu iman leeyahay

  4. Dhabancad wuu ogyahay in Karaash xilka laga xayuubin doono, maxaa geeyay meel uu joogo, yaab wallaahi.

  5. Dadkii Puntland abaar ayaa baabi’isay “Madaxdiina” iyagaa xeerada isku haysto oo rabaa in kiligood noolaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*