DEG-DEG+AKHRISO: Muuse Biixi oo xil ka qaadis & magacaabis ballaaran sameeyay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray xilalka uga qaaday Wasiiro kamid ah Xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiin kamid ah Hay’addaha madaxa bannaan, isagoo sidoo kale magacaabay xubno cusub.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi;
Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.

2. Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

3. Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

4. Ku: Axmed Xasan Nuur;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

5. Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;
Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska Qaranka

6. Ku: Sahra Aadan Yuusuf;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska Qaranka.

7. Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada.

8. Ku: Axmed Abokor Maxamed;
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabay xilalkan:

1. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.

2. Cabdiqaadir Iimaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

3. Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.

4. Maxamuud Jaamac Warfaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

5. Yurub Abiib Cabdi Cumar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

6. Cabdulmajiid Ibraahim Muumin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

7. Mukhtaar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada.

8. Guuleed Muuse Galaal Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka.

9. Xamse Cabdi Ibraahim Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

10. Maxamed Xuseen Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka.

11. Muuse Jaamac Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

12. Fowsi Maxamed Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

13. Khadar Ibraahim Maxamed Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Sikasta oo qaddiyad khaas ah loo cabsanyahay oo looguna halgamayo, waxaa fashil iyo fadeexad xun ah in ummad dhan oo sootaagan taariikhdeeda sugan laga beensheego oo qaddiyaddana lagu duulisto.

    Dorraato iyo shalayba, waxaa Hargeysa iyo Awdal ka dhacay wacdaro foolxumaa ee Soomaalida iyo caalamkaba aad uga yaabiyay, kaddib markii taariikhdii dhannayd ee gobanimo-doonkii Ummadda Soomaaliyeed loo afduubtay oo loona maldahday qaddiyad taariikhdaas dahabiga ah meelkadhac weyn ku noqonaysa oo 30 sanadood dhicisaysnayd.

    Arrimaha lala fajacay ee damaashaadkaas 26-ka Juun lagu bandhigay ayaa waxaa uugu doorroonaa in:

    * Calankii Soomaaliyeed ee habeenkaas samada loo laalay lagu nisbeeyay inuu yayay kan SNM ee 28-ka sanadood jira, kii asalka ee buluugga ahaana la inkiray.

    * Saldanaddii Islaamiga ee Cuthmaaniyadda ee Soomaalida cadowgeeda ka gacansarreysiisay lagu tilmaamay inay gumeysiyad ahayd oo inta Woqooyi Galbeed lagu la diriray la iska xoreeyay, gumeysigii dhabta ahaa ee Ingiriisna amaan loogu dhaashay.

    * Halgankii Soomaaliyeed ee Seyidka iyo Daraawiishta ee weligoodba Woqooyi Galbeed laga necbaa oo laga caayi jiray maanta SNM sheegteen oo iskuna faaniyeen, qaddiyaddooda Soomaali-jebinta ahna kunisbeysteen.

    Ciddii fashilkaas kulatalisay wax aan luggooyo iyo in lagu maadsado ahayn umaysan sookordhinin xaqiiqdii, waana dhacdo beelihii taariikhdaasu u sugnaatay deelqaaf iyo qadaf xun ku noqonaya oo sixunna ugasiii caraysiisay.

    War illayn ceeb loomadhinto!

    • Awlal waan eegay oo eegay oo eegay, waa nin wanaagsan oo nadiif ah, aqoonna leh, waana nin Somali kolay ah oo marmar caadifad qaado, dadka meelaha ka hadla waa kuwa ugu macquulsan, haddii aannu Somaliland nahay, waa u dulqaadanaynaa marmqrka uu nagu soo saydho wax badanna waa ka jiraan, waxaana ka codsanaynaa taageerayaasha asalka ah ee reer Somaliland ogaygaa how jawaabina, waa nin gob ah oo hadduu ku durano ku xarrago duraya oo cay iyo cunfi kale lahayn

  2. !!!!! SHidan buu agaasime macdanta iyo tamarta u magcaabay!!!!! Wuu royoonayaa rag baa leh shidan wayna diideen in dhulkooda iyo deegaankooda ina xaaji nuur qaato oo iminkana agaasime soo magcawday!!!!!!

    • Gantaal1, saaxiib war ma haysid, dhidar xabaal ka kacay baad tahay, ninkan aad ka hadlayso iyo Ina Xaaji Nuur salaanta iskama qaadaan, reernimo uun baad ka eegtay, dadka shidan iyo Ceerigaabo waa nabad, waa ehel, waa isku dan, belaayo ha baydho, shar gudban shaydaan xijaaban, walaalow balo ma jidho, haddii ay jidhana ma buura

  3. @@Mustafa Hassan,

    Ma aanan filayn inaad oday laftii sidiisa jawaabta hoosta iigu dhigto xaqiiqdii, waadna kumahadsantahay kalsoonidaas buuxda ee aad iga qabto.

    Anna harag maroodi ayaanba sii huwaday oo waxaan filayay inay guulwadeyaashii SNM qummaati ii shaabuugeeyaan sidoodii.

    Saaxiib, gobtu isma caaydo e afgoobaadsi iyo siyaabo sarbeeban ayay wax iskugu sheegaan. Waanan kaa qabaa 100%.

  4. @ mustafe Hassan.

    Marka hore salaan gudoon,sxb runtii waxa jira dad badan oo halkan si aan xushood lahayn ugu colaadiya somaliland waxa keliya lagu colaadiyo’na waa maxaa wax u noqoteen oo dhiiqada noola soo geli weydeen iyo nolol quudhi waa,,
    walaalkern MR AWLAL waa nin odey ah waxna xeeriya Laakiin mar marna uu daadku hoos maro maadama somalida qabyaalad lagu Imtixaamay, hadana MR AWLAL somalida kale ee qabyaaladu Madaxa minjaha u rogtay ayuu ka mid yahay wsxna uu la qabaa laakiin waxaan qirayaa inuu wax badan xeeriyo cayda iyo aflagaadaduna ku yar tahay,
    Weliba Mustafe ku darso MR AWLAL waa wiilkeenii asal somalilander ah laakii qolooyinkaa Majeerteen Inaga waaleen Oo huu haa iyo quraafad Ku shubeen waxaana rajeynayaa inuu inoo soo noqdo walaalkeen MR AWLAL Waayo hilbo wada dhashiyo Ehel baynu wada nahay FROM LOOYACADO ILAA BURAAN Gunta hoose Sanaag bari,

    Happy 26jume
    The day Of rep of somaliland
    Guul iyo Gobonimo.

Comments are closed.